* Wanaagga La Amaano Laguna Daydo – Dhiirrigelinta Shaqsiga Wanaagga Sameeya Waana Furaha Horumarka Bulsh
*Bulsho kasta oo horumartay waxay ka bilaabatay qiimeynta iyo taageerada ay siiso dadkeeda wanaagga sameeya. Marka qof wanaag sameeyo — hadday tahay caawinta dadka, ilaalinta deegaanka, daacadnimada shaqada, ama dhiirrigelinta dadka kale iyo hadal iwm— waa in bulshadu ka falcelisaa si togan, oo ay ku ammaanto, ku taageerto, kuna dayato.
Nasiib darro, bulshooyin badan — gaar ahaan dadka soomaaliyeed waxaad moodaa in aysan dhiirrigelinta iyo taageerada dadka wanaagsan aad ugu dhiifoonayn — waxaa lagu arkaa hoos u dhac ku yimaada qiimeynta dadka wanaagsan, taasoo keenta in dad badan ka niyad jabaan wanaagga, halkii ay bulshada ka noqon lahaayeen tiir adag oo horumar ah__
*fiiro-gaar* waxaa qoraalkan in aan bulshada la wadaago igu dhaliyay waxaan arkay dad badan oo wanaagga bulshada had iyo jeer u taagnaa oo ka niyad-jabsan sii wadida wanaaggii aysamayn jireen taas oo aan wax ka waydiiyay ayay sheegeen in aysan bulshada ka helin taageero iyo ku dayasho, bal,e ayba kala kulmaan caqabado badan,
*Waa Maxay Sababaha Loo Baahan Yahay In Lagu Ammaano Qofka Wanaagga Sameeya?*
*1. Wuxuu noqdaa tusaale wanaagsan:*
Qofka wanaagga sameeya marka la ammaano, wuxuu noqdaa astaan lagu daydo, taasoo dhalinyarada iyo bulshada kale ku dhiirrigelisa in ay sameeyaan wax la mid ah.
*2. Wanaaggu wuu kobcaa:*
Dhiirrigelin iyo abaalmarin la’aantu waxay dileysaa rabitaanka wanaagga. Laakiin marka wanaagga la bogaadiyo, dad badani way sii kordhin doonaan ficillada qurxoon,__
*3. Wuxuu abuuraa kalsooni bulsho:*
Qofka wanaagga sameeya marka la taageero, waxay bulshada dhexdeeda ka abuurtaa kalsooni iyo isku duubni, taasoo saldhig u noqota nabad iyo horumar.
*4. Waxaa yaraada xumaanta iyo niyad-jabka:*
Marka wanaagga la amaano, xumaantu qiimo kuma yeelato. Sidoo kale, qofka sameeya wanaagga ma dareemayo kelinimo ama in laga jeesto, tan oo noqon karta in uu qofku helo qalbi furnaan iyo kalsooni buuxda,
*Maxaa Dhaca Marka Bulshadu teegeerin Wanaagga?*
– *Wanaagga wuu yaraanayaa:* Dad badan oo niyad fiican leh waxay dareemaan in aan lagu garab taagneyn, taasoo keenta in ay joojiyaan waxqabadkooda wanaagsan.
– *Xumaanta ayaa firfircoonaanaysa:* Marka la arko in xumaanta laga aamuso ama lagu taageero, halka wanaagga la iska indho tiro, waxay keentaa in xumaantu sare u kacdo.
– *Bulshadu way kala fogaataa:* Qofka wanaagga sameeya marka la dayaco, bulshada dhexdeeda waxaa ka dhasha kala fogaansho iyo kalsooni darro.
*Maxaan Samayn Karnaa Si Aan U Dhiirrigelino Wanaagga?*
1. *Amaan toos ah u sheeg qofka wanaagsan.*
2. *Bulshada hortooda u iftiimi wanaagga qofkaas.*
3. *Tusaale ka dhig waxqabadkiisa.*
4. *Ka qeyb qaado taageeradiisa, sida la wadaagista baraha bulshada ama ficil muuqda.*
5. *Dhiirrigeli dadka kale in ay ku daydaan.*
samee qaab kaste oo aan ku dhiirrigelin karto wanaagga, tani qofka waxay ka dhigi kartaa mid sii wada wanaagga,_ asagoo jecel bulshada,
*Gaba-gabo
Wanaaggu waa geed u baahan in la waraabiyo — waraabintaasna waa ammaanta, taageerada iyo ku-dayashada. Bulsho wanaag lagu qiimeeyo waa bulsho leh mustaqbal. Ha noqon mid aamusa marka wanaagga la sameeyo — hadal, taageer, oo tus in wanaaggu qiimo leeyahay.
*“Qofka wanaagga sameeya waa geesi bulsho — geesinimadiisana waxay u baahan tahay garab, istaag , iyo garwaaqsi.”*
*Wanaaggu waa la dagaalanka xumaanta sidaas darteed waa waajib in la dhiirrigeliyo qofka umada ama shaqsi wanaag u sameeya habayaraadee__,
#bandhigbulsho #wacyigelinbulsho #soomaaliaguul #dhiirrigelinta
#fadlanlawadaag