*Waqtiga Waa Noloshaada: Ha Ku Bixin Meel Aan Faa’iido Lahayn*
Waqtigu waa hanti aad u qaaliya ee uu qofku leeyahay—lama kaydin karo, lama iibsan karo, mana la soo celin karo. Hal daqiiqo oo kaa lunta ma noqon karto mid dib kuu soo martay. Sidaas darteed, *qofka noloshiisa qiimeeya waa qofka waqtigiisa ilaaliya.*
Inaad waqtigaaga ku lumiso meelaha aan faa’iidada lahayn—ha ahaato sheekooyin aan micne lahayn, baraha bulshada oo aan qorshe loo isticmaalin, ama la joogista dad ka wiiqa tamartaada—waxa ay keeni kartaa in aad dayacdo naftaada, yoolalkaaga, iyo mustaqbalkaaga.
Maxaa Lagu Garanayaa Inaad Waqti Lumis Ku Jirto?
– Ma leedahay xisaab celin waqti oo maalinle ah?
tusaale maalinta kuu dhalatay way dhamaanaysaa ma is waydiisay wixii aad qabatay maalintaas?
– Ma ogtahay waxyaabaha ugu badan ee waqtigaaga cunaya?
– Ma dareentaa inaad maalinta dhamaadkeeda wax miro ah ka gaarin?
Talooyin Lagu Ilaaliyo Waqtiga:
1. *Ujeeddo yeelo:* Qorshee maalintaada, ogow waxaad rabto inaad gaarto.
2. *Dadka waxtarka leh la joog:* La saaxiib kuwa dhiirrigeliya, ka fogow kuwa waqtigaaga cunaya.
3. *Baraha bulshada si xikmad leh u isticmaal:* Ku koob waqtiga aad ku jirto, kuna beddel akhris faa’iido leh.
4. *Is-weydii: “Waxaan hadda sameynayo maxay ii kordhinaysaa?”*
Gaba-gabo:
Haddii aadan adigu waqtigaaga xukumin, cid kale ayaa kuu xukumi doonta. Waqtiga lumay ma noqon karo hanti soo laabaneysa. Ha noqon qof mar walba sheegta “waan mashquulsanaa” adigoo aan wax micno leh qaban.
*”Waqtiga ha u dilin wax aan noloshaada kor u qaadaynin, maxaa yeelay waqtigu isagaa ku dili doona adigoo aan ogayn.”*
— Iska jir, is maamul, hana waayin wax weyn adigoo mashquul ku ah wax aan micne lahayn.
#dhiiragalinbusho #bandhigbulsho
#fadlanlawadaag