“Waxaynu ogsoonahay in carruurnimadu aysan ahayn oo keliya ciil lala weynaado, balse ay sidaas oo kale tahay ciil laga weynaado.”


Qofkii yaraantiisa la kulma culaysyo nafsi ah, xadgudubyo joogto ah, ama ugu yaraan ku soo barbaara baylah iyo biyo-dhac waayahooda qallafsan, oo se waaya daryeelkii nafeed ee uu qof koraya u baahnaa — wuxuu dhaxlaa jug nafsiyeed oo aan sahlaneyn.

Jugtaasina waxay si qarsoodi ah ugu dhacdaa noloshiisa:nafsaddiisa, dhimirkiisa, shakhsiyaddiisa, dareenkiisa, iyo hab-dhaqankiisaba. Waxaa ku raagta eelo aan is ogayn, waxaana laga dhaxlaa laab ciil iyo maskax cidhiidhi ah.

“Xaaladda nafsiyeed” ee qofka sida qabka been ah, quursiga hoos laga dhaxlay, cabashada joogtada ah, caadifadda dhaawacan, xaq-lahaansho la’aanta, iyo aaminka in aadan wax u qalmin — waa raadad aan caadi ahayn oo naf ahaan laga dhaxlo hooyo iyo aabbe aan fayoobayn.

”Walaaluhu waxay aabbahood ka dhaxleen qab iyo quursi, hooyooyinkoodna cabasho iyo caadifad dhaawacan, iyaguna waxay u dhasheen madax-adayg iyo maan la’aan. Tani waxay noqotay salka heshiis la’aantooda iyo burburka reerkii ay ku koreen”__Buugga Qab iyo quursi.

Waa in la fahmaa in dhaawaca carruurnimada uu yahay dhaxal aan la dooran, balse laga bogsan karo.

W/Q Salman Abdiaziz Gole.

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..