Waxyaabaha ay dumarku kaa rabaan balse aanay kaa dalbanayn.
● inaad la hadasho o aad ka waraysato maalinteeda – qofka na waraysta ee na dhagaysta qalbigayaga boos muhiima ayuu ka dagaa.
● habsiin waliba si xoogan – dumarka waa u daawo habsiintu sido kle amaan bay ku dareeman.
● inaad la wadaagto sirtaada wax ka mid ah – qodobkan ani ahaan number one buu i yahay, ninka ila wadaaga sirtiisa waxan amisanahay inaan qayb ka ahay noloshiisa kalsoonidan ku qabaana way badataa, maadaama aanay raggu cidna waxba la wadaagin.
● inaad casuuntid – ka dalbo habeen inay ku raacdo si aad wakhti qurux badan usoo wada qadataan, dhab ahaan way ku farxi doontaa.
● inaad siiso qaar ka mid ah dharkaaga – dee iminka macawis iyo wax aanan garanayn la soo orda. 😁
● inaad gacanta qabsato – ragga qaar markay wada socdaan qoftiisa qaar way ka horeyan ama way ka dambeeyan taasina waxay keenta kalsooni daro o waxan dareena in nalaga dhacayo ama ninkaasi naago kle la socdo diidayana in lagu sawiro , marka qabso gacanteeda adoo ku faanaya, iyaduna kalsooniday ku qabtaa siyaadaysa.
● inaad si kadisa o deggan u dhunkato – gacanteeda quruxda badan hal mar ku yara xad, faarax khasaaro ha iska ag-taagnan o ha iska ag fadhiyin gabadhee.
● inaad la qososhid – hadalkeedu inuu kugu socdo ayey dareemaysa o si wacn u dhagaysanayso , qoraal hadu yahayna emoji qosolka u raaci jawabta qoralkeeda.
● inaad maalinta dhexdeeda si lama filaana fariin ugu dirto- qodobkan labada dhanba waa u muhiim qofku wuxu dareemaya in laga fikirayo o la danaynayo.