Inkastoo maroodigu leeyahay xoog uu si fudud uga baxsan karo silsiladda iyo kursigaas yar, haddana wuu iska jooga isagoo aan isku dayin inuu xoroobo.
Maroodiga xoogiisa aakhiro keliya ayuu arkaa, waa oraah Soomaaliyeed oo xambaarsan xikmad, Oraahdani waxay tilmaamaysaa in qofka xooggiisa, kartidiisa, ama hibadiisa dhabta ah aysan dadka kale si buuxda u arkin ilaa ay timaado xaalad adag ama imtixaan dhab ah oo ay ku muuqato awooddiisa dhabta ah.
Maroodigu waa xayawaan xoog leh, balse inta badan wuu deggan yahay, Xooggiisa dhabta ahna lama dareemo ilaa laga gaaro xaalad daran sida dagaal ama khatar
Xigmada ku jirta sawirka
Maroodigu wuxuu tusaale u yahay qof bani’aadam ah guuldarro hore darteed isu arka inuusan wax qabsan karin xitaa marka ay hadda suuragal tahay, inaad guul gaarto ama isbeddel samayso waxay u baahan tahay inaad Ka tagto fikiradii hore ee ku fashaliyay, Rumayso in hadda aad leedahay awood cusub.
Waxa kaa celinaya inaad horumar samayso ma aha awood la’aan, waa aaminsanaan la’aan, Dad badan uma jeedaan awooddooda, laakiin taasi macnaheedu ma aha inaad tabar daran tahay, Waxaa laga yaabaa in waqtigaaga guusha ama muuqashada kartidaada ay timaado markaad wajahdo dhibaato ama xaalad adag.
Dadku waxay arkayaan muuqaalka kore, laakiin ma dareemaan kartida qarsoon ilaa laga baahi yeesho, Ha noqon mid hadal badan, ee ficil ahaan muuji mar kasta oo fursad kuu timaado.
Waxaa jira qof suuq yar ka shaqeeya, laakiin leh maskax ganacsi oo weyn, dad badan kama shakiyaan wax weyn inuu gaarayo ilaa maalin uu abuuro shirkad weyn ama fikrad cusub oo guulaysata.
Maroodiga xoogiisa aakhiro ayuu arkaa waxay inoo sheegaysaa in qofka laga yaabo in aan hadda lagu arag kartidiisa, laakiin marka la gaaro waqtigii saxda ah ay soo baxdo awooddiisa dhabta ah.
Ha quusan haddii aad dareento in aan laguu arag qof karti leh, waqtigaagu wuu imaan doonaa insha allah