๐ค๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ถ ๐๐ฎ๐ฐ๐ฒ๐๐น : ๐๐ฎ ๐ป๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ฒ๐๐ป ๐พ๐ฎ๐น๐ฏ๐ถ ๐ธ๐ ๐ท๐ฒ๐ฐ๐ฒ๐น ๐ค๐ฒ๐๐ฏ๐๐ถ๐ถ 4๐ฎ๐ฎ๐ฑ
Sep 9, 2025 -
Muxudiin wuxuu kaloo ku yiri waxaan rajeynaaa inaan marna ka mid noqon doonin kuwii xumaa ee adiga dhibaatada kuu soo geystay waana ku ilaalin doonaa waxaad tahay walasheyy, marna asxaab, marna saaxiib, intaas iga badan laakiin waxaan rabaa warbixintaada iyo noloshaadaba inaad wax iiga sheegto waan kaa sugayaa
Axlaam waxey ku tiri waa runtaada wll anigaba ma rajeynayo inaad ka mid noqoto kuwii xumaa ee nolosheyda soo maray waxaan filaa inaadan dhaawac iyo dhibaato ii geysan doonin anigaba kulama jecli waayo waan damqanayaa sideena in yar oo dhib ama dhaawac kuugu geysanayaa waligaa haba ku riyoonin midaas wll qaali
Mida kale aan iska kaa baro aniga magaceyga waxaana la dhahaa axlaam oo ku magac dheer “๐ค๐๐ป๐๐ฎ๐ฟ ๐๐ผ๐ฐ๐ผ๐ฑ” waxan la noolahay familkeyga nolosheena waa dabaqadda dhexe tiro ahaana waxaan ka koobanahay aabe, hooyo, 3 wiilal iyo 2 gabdhood, waa runtaa adigana waxaad tahay wllkey, mar asxaab, mar saaxiib,
Axlaam waxey kaloo ku tiri marna qofla dadka iigu dhow baad tahay wax badan baan xagaaga ka dareemayaaa waxaa ka mid ah daacadnimo, naxariis, garab istaag, maalmo badana asxaab wada nahay hadana wax i dhibaya maadan igu sameyn xaqiiqadii waxaan u maleynaa ducadii hooyadey inaad tahay farxad weyn ii tahay
Muxudiin wuxuu ku yiri wax walipa inaan aniga kuu noqdo diyaar u ahay waayo dadka dhanba waad iiga duwan tahay wax walpood dareentay waan kuu rumeynayaa mana rabo wax ku dhiba inaan sameeyo dhaawac kuumaba quuri doono madaxa ii saarnaan doontaa waxaana ii farxad inaad adiga wehelkeyga iyo garab ii noqotay
Axlaam erayada muxudiin kula hadlayay si aad ayay ugu faraxsaneyd inkastoo in yar is laheyd beri amuu ku qiyaamaa amuu dan wataa tolow yaa qalbigiisa iiga soo warama ma daacad baa mise dan buu wataa, waxey ku duceysaneysay illaahow haduu daacad ii yahay ha iga fogeynin, lkn haduusan daacad ii aheyn iga fogeey
Muxudiin iyo axlaam bilo markii uu xiriirkoodda socday ayaa maalin iyagoo wada jooga walipa guriga axlaam hortooda ayaa waxaa soo maray ninkii feysal ahaa ee axlaam qiyaanayy markuu isku arkay wuu ka xumaaday, wuu murugooday, feysal oo meel u dhow maraaya markey axlaam aragtay ayay muxudiin gacanta qabsatay
Axlaam intaas waxey rabtay iney ka maseeriso feyaal walipa hab ayay siisay weyna shumisay waxey ku tiri waan ku jeclahay gacaliye anaga dhexdeena cidna ma deeqdo sadexeeye naarta ha galo muxuu naga ag qabanayaa muxudiina inkastuu fahmin sheekada meesha ka socotto hadana wuu la yaabay waxa ay sameyneyso
Muxudiin kama faa’ideysan axlaam inta yar ee feysal kaga maseerineysay lkn wey u sheegtay iney ninkan ka maseerineyso isla markiiba wuu fahmay arintan iney feysal kaga maseerineyso markii uu feysal isagoo gubanaya ayuu gudbay wuxuuna toos u galay gurigiisii axlaam ayaa ku tiri inta yar laabtaada ku jiray farxad dareemay
Ninkii feysal ahaa markii uu qolkiisa horay u sii galay ayuu xanuuno iyo murugooyin dareemay ileen jaceylku waa halis taajir ahoow ama faqiir mar haduu qalbigaaga dago qofkaad jeclaatay heli weyso xaalad midii ugu xumeyd ayaad gali doontaa waayo bini-adaam dareenka uu illaah ku wada abuuray dhamaan waa isku mid
๐๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐ฐ๐ผ ๐พ๐ฒ๐๐ฏ๐๐ถ๐ถ 5๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฑ๐๐ ๐๐ฒ๐ฏ๐ฒ ๐๐ฑ๐บ๐ผ
๐๐พ๐ฟ๐ถ๐๐๐ฒ ๐๐
๐น๐ฎ๐ฎ๐บ ๐๐ฎ๐
๐ฎ ๐ฎ๐ ๐ธ๐ ๐๐ฎ๐บ๐ฒ๐๐๐ฎ๐ ๐ณ๐ฒ๐๐๐ฎ๐น ๐บ๐ถ๐๐ฒ๐ ๐ธ๐ ๐๐ฎ๐
๐ป๐ฒ๐๐ฑ ๐บ๐ถ๐๐ฒ ๐๐ฒ๐ ๐ธ๐ ๐พ๐ฎ๐น๐ฑ๐ฎ๐ป๐ฒ๐๐ฑ

๐บ๐๐
๐๐ฑ๐ถ๐ถ๐ป ๐
๐ถ๐ฟ๐ถ๐ถ๐ฟ ๐ท๐ฎ๐ฐ๐ฒ๐๐น ๐ฏ๐ฒ๐ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ด๐ฒ๐ฒ๐ป ๐ฎ๐
๐น๐ฎ๐ฎ๐บ ๐๐ฒ๐ ๐ถ๐ ๐ณ๐ฎ๐ต๐บ๐ฒ๐ฒ๐ป ๐ณ๐ถ๐ธ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐พ๐ฒ๐๐ฏ๐๐ฎ ๐ต๐ผ๐ผ๐๐ฒ ๐ฒ๐ฒ ๐ฐ๐ผ๐บ๐บ๐ฒ๐ป๐๐ถ๐ด๐ฎ ๐ธ๐ฎ๐ด๐ฎ ๐๐ผ๐ผ ๐ต๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐น…………….


๐๐ผ๐พ๐ผ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ซ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ฎ๐ฐ๐ฒ๐๐น๐ธ๐ฎ
Post Views: 125
Nagala Soo Xiriir
contact@xogbaahin.com