๐—ค๐—ผ๐—ณ๐—ป๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—ด๐˜‚๐—บ๐—ฎ ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐˜€๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐˜‚ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐˜†๐—ผ………………๐Ÿ™†โ€โ™‚๏ธ๐Ÿ™„


๐—ค๐—ผ๐—ณ๐—ป๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—ด๐˜‚๐—บ๐—ฎ ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐˜€๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐˜‚ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐˜†๐—ผ………………๐Ÿ™†โ€โ™‚๏ธ

๐ŸŒบ Qofna gacantaada ma qabanayo si uu kaa soo saaro mugdiga, qofna masuul kama noqonayo fowdada noloshaada, qofna ma badalaayo noloshaada adiga………………..

๐ŸŒบ Way adagtahay weedhani, balse gudaha ayey ku siddaa hadiyadda ugu weyn ee noloshu qof siin karto xorriyadda, bilowga garashada: markaad fahanto in adiga masuul ka tahay Naftaada……………………

๐ŸŒบ Dad badan ayaa nolol dhan ku qaata iyagoo sugaaya โ€œqofka inuu badbaadiyo, wuxuu sugaa jacayl si uu dareemo nabad, shaqo si uu u bilaabo nolol, fursad qumman si uu u qaado tallaabada koowaad, amaan dadka kale si uu u garto qiimihiisa……………………..

๐ŸŒบ Laakiin runta adag waxay tahay,sugitaanka waa qaab jilicsan oo isdhiibid ah, qofku xor ma aha ilaa uu fahmo in cidina wax kuuma laha, masiirkaagana gacantaada ku jiro.

๐ŸŒบ Noloshu ma shaqeyso sida sheeko filim ah โ€” qof albaabkaaga soogaraacaya si uu kuu badbaadiyo noloshu kaliya qalab bay ku siisaa, natiijo ma siiso…………….

๐ŸŒบ Adigaa u baahan inaad qalabkaas u adeegsato si aad jihadda u dhisato, xitaa haddii tallaabooyinku ay marka hore liitaan, ugu dambayntiise waa adiga qofka jihadda nolosha leh……………….

๐ŸŒบ Waxa ugu khatarsan ma aha guuldarro, ee waa in aad ku dhegto doorka dhibbane, markaad tiraahdo: โ€œAnigu ma ihi sababta, duruufaha ayaa ah,โ€ waxaad si tartiib ah u dili rabtaa rabitaanka isbeddelka……………….

๐ŸŒบ Markaad garato in xitaa qayb yar adiga aad ka qaadatay dhibkaaga, waxaad qaaday tallaabada koowaad ee xorriyadda dhabta ah.
Laakiin geesiga dhabta ah waa adiga markaad aragto naftaada sidaas.

๐ŸŒบ Marka isbeddelka gudaha ahi bilaabmo, suโ€™aalaha ayaa is beddela, halkii aad dhihi lahayd Sideen naftayda u daryeelaa………?โ€

๐ŸŒบ Halkii aad dhihi lahayd โ€œGoormay dunidu is beddeli doontaa?โ€, waxaad dhahdaa โ€œSideen u beddeli karaa adduunka aan ku noolahay……?โ€

๐ŸŒบ Markas ayaad dib ugu laabanaysaa xarunta awooddaada dhabta ah, runta xanuunka leh ee iftiimisa jidka weedhโ€Qofna kuguma imaanayo si uu kuu badbaadiyoโ€ way adagtahayโ€ laakiin waa bilowga bisaylka dhabta ah……………

๐ŸŒบ Markaad fahanto in adiga masuul ka tahay farxaddaada ma siin doontid cid kale, markaad fahanto in qiimahaagu aan ku xirnayn fikradaha dadka kale ma gariiri doontid marka ay is beddelaan…………..

๐ŸŒบ Daraasad Jaamacadda “๐—ฆ๐˜๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ณ๐—ผ๐—ฟ๐—ฑ” ka samaysay ayaa sheegtay, dadka noloshooda masuul ka ah xitaa marka xaaladu adagtahay, waxay leeyihiin heer farxad oo 40% ka sarreeya kuwa ku eeda xaalada………………..

๐ŸŒบ Sirta ma aha in aad guuleysato marar badan, ee waa in aad dareento awood gudaha ah, marka aad doorato kacitaanka qofna jidkaaga ma yaqaanno sida adiga aad u taqaano……………….

๐ŸŒบ Ciladda dadka qaar waa inay sugaan cid kale oo u tilmaanto jidkooda, laakiin qofna noloshaada si dhab ah uguma noolaan karo sida adiga……………..

๐ŸŒบ Goโ€™aamada noloshaada haddii ay cid kale kuu qaadato, waxaad luminaysaa naftaada.
Nolosha noocaas ahi waa nolol la soo amaahday……………….

๐ŸŒบ Qaado talada noloshaada xitaa haddii aad shaki qabto, shaki adigoo soconaya waa ka fiican yahay kalsooni adigoo istaagay
Tallaabooyin ficil ah oo aad ku bilaabi karto…. ;

1- Qaado masuuliyadda dhammaan noloshaada, xitaa wixii aadan sabab u ahayn, ma aha maxaa yeelay waa dambigaaga, ee waa maxaa yeelay adigaa keliya wax beddeli kara……………

2- Jooji cabashada, daqiiqad kasta oo aad ku cabato waa daqiiqad aad dib u dhigayso isbeddelka……………

3- Bilaaw talaabo yar, nadiifi qol, qoro hadaf maalinle……………..

4- Wajah cabsidaada halkii aad ka carari lahayd……………….

5- Ku hareeree naftaada dad ku xasuusiya awooddaada, ma aha tabartaada laโ€™aanta.

6.Ku celi maalin kasta…………….

๐ŸŒบ Qofna ima imaanayo si uu ii badbaadiyo, anigaa ahaa qofka aan raadinayay, ugu dambeyntii, qofna furayaasha noloshaada gacanta kuma hayo adiga mooyee…………..

๐ŸŒบ Dadku way ku taageeri karaan, way ku jeclaan karaan, balse cidna ma noolaan karto adiga halkii……………..

๐ŸŒบ Taasi ma aha murugo, waa mucjiso maxaa yeelay waxay muujinaysaa inaad tahay
qoraa, jilaa, iyo halyeeyga sheekadaada………..

๐ŸŒบ Waad dhici kartaa, waad ooyi kartaa, laakiin inta aad soo kacayso sheekadu wali way socotaa, tnta aad socoto, waxaa jira rajo, waxaa jira adiga oo cusub oo xoog badan oo kaa sugaya dhinaca kale ee xanuunka………….

๐—ซ๐˜‚๐˜€๐˜‚๐˜‚๐˜€๐—ป๐—ผ๐—ผ๐˜„…………….๐Ÿซต

๐ŸŒบ Qofna kuguma imaanayo si uu kuu badbaadiyo waayo adigaa ah badbaadiyaha aad sugeysay Noloshaada, markaad fahanto taas, waxaad xorowdaa, wax kastaana halkas ayey ka bilaabmaan……………………

๐—”๐—พ๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฒ ๐—ป๐—ผ๐—น๐—ผ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ-๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ ๐˜€๐˜‚๐—ด๐—ถ๐—ป ๐—ถ๐—ป ๐˜‚๐˜‚ ๐—พ๐—ผ๐—ณ ๐—ธ๐˜‚๐˜‚ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฒ ๐—ธ๐˜‚๐˜‚ ๐˜†๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ ๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ-๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ต๐—ฎ๐—น ๐—ด๐—ผ’๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜๐—ผ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ ๐—ป๐—ผ๐—น๐—ผ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ-๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ผ ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ ๐—ท๐—ถ๐—ฟ๐—ท๐—ถ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐—น๐—ฒ ๐—ธ๐—ผ๐—น๐—ฏ๐—ฎ ๐—บ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฏ ๐—ด๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ถ๐˜†๐—ฎ ๐—น๐—ฒ๐—ต ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฒ ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐˜‚ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป……………..๐Ÿซต๐Ÿฅน๐Ÿ™

โœ๏ธ๐—•๐—ผ๐—พ๐—ผ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ซ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—ฐ๐—ฒ๐˜†๐—น๐—ธ๐—ฎ

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..