HomeENGILSH𝗤𝗼𝗳𝗻𝗮 𝗸𝘂𝘂𝗴𝘂𝗺𝗮 𝗶𝗺𝗮𝗮𝗻𝗮𝘆𝗼 𝘀𝗶 𝘂𝘂 𝗮𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗸𝘂𝘂 𝗯𝗮𝗱𝗯𝗮𝗮𝗱𝗶𝘆𝗼..................🙆‍♂️🙄

𝗤𝗼𝗳𝗻𝗮 𝗸𝘂𝘂𝗴𝘂𝗺𝗮 𝗶𝗺𝗮𝗮𝗻𝗮𝘆𝗼 𝘀𝗶 𝘂𝘂 𝗮𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗸𝘂𝘂 𝗯𝗮𝗱𝗯𝗮𝗮𝗱𝗶𝘆𝗼………………🙆‍♂️🙄

𝗤𝗼𝗳𝗻𝗮 𝗸𝘂𝘂𝗴𝘂𝗺𝗮 𝗶𝗺𝗮𝗮𝗻𝗮𝘆𝗼 𝘀𝗶 𝘂𝘂 𝗮𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗸𝘂𝘂 𝗯𝗮𝗱𝗯𝗮𝗮𝗱𝗶𝘆𝗼………………🙆‍♂️

🌺 Qofna gacantaada ma qabanayo si uu kaa soo saaro mugdiga, qofna masuul kama noqonayo fowdada noloshaada, qofna ma badalaayo noloshaada adiga………………..

🌺 Way adagtahay weedhani, balse gudaha ayey ku siddaa hadiyadda ugu weyn ee noloshu qof siin karto xorriyadda, bilowga garashada: markaad fahanto in adiga masuul ka tahay Naftaada……………………

🌺 Dad badan ayaa nolol dhan ku qaata iyagoo sugaaya “qofka inuu badbaadiyo, wuxuu sugaa jacayl si uu dareemo nabad, shaqo si uu u bilaabo nolol, fursad qumman si uu u qaado tallaabada koowaad, amaan dadka kale si uu u garto qiimihiisa……………………..

🌺 Laakiin runta adag waxay tahay,sugitaanka waa qaab jilicsan oo isdhiibid ah, qofku xor ma aha ilaa uu fahmo in cidina wax kuuma laha, masiirkaagana gacantaada ku jiro.

🌺 Noloshu ma shaqeyso sida sheeko filim ah — qof albaabkaaga soogaraacaya si uu kuu badbaadiyo noloshu kaliya qalab bay ku siisaa, natiijo ma siiso…………….

🌺 Adigaa u baahan inaad qalabkaas u adeegsato si aad jihadda u dhisato, xitaa haddii tallaabooyinku ay marka hore liitaan, ugu dambayntiise waa adiga qofka jihadda nolosha leh……………….

🌺 Waxa ugu khatarsan ma aha guuldarro, ee waa in aad ku dhegto doorka dhibbane, markaad tiraahdo: “Anigu ma ihi sababta, duruufaha ayaa ah,” waxaad si tartiib ah u dili rabtaa rabitaanka isbeddelka……………….

🌺 Markaad garato in xitaa qayb yar adiga aad ka qaadatay dhibkaaga, waxaad qaaday tallaabada koowaad ee xorriyadda dhabta ah.
Laakiin geesiga dhabta ah waa adiga markaad aragto naftaada sidaas.

🌺 Marka isbeddelka gudaha ahi bilaabmo, su’aalaha ayaa is beddela, halkii aad dhihi lahayd Sideen naftayda u daryeelaa………?”

🌺 Halkii aad dhihi lahayd “Goormay dunidu is beddeli doontaa?”, waxaad dhahdaa “Sideen u beddeli karaa adduunka aan ku noolahay……?”

🌺 Markas ayaad dib ugu laabanaysaa xarunta awooddaada dhabta ah, runta xanuunka leh ee iftiimisa jidka weedh”Qofna kuguma imaanayo si uu kuu badbaadiyo” way adagtahay” laakiin waa bilowga bisaylka dhabta ah……………

🌺 Markaad fahanto in adiga masuul ka tahay farxaddaada ma siin doontid cid kale, markaad fahanto in qiimahaagu aan ku xirnayn fikradaha dadka kale ma gariiri doontid marka ay is beddelaan…………..

🌺 Daraasad Jaamacadda “𝗦𝘁𝗮𝗻𝗱𝗳𝗼𝗿𝗱” ka samaysay ayaa sheegtay, dadka noloshooda masuul ka ah xitaa marka xaaladu adagtahay, waxay leeyihiin heer farxad oo 40% ka sarreeya kuwa ku eeda xaalada………………..

🌺 Sirta ma aha in aad guuleysato marar badan, ee waa in aad dareento awood gudaha ah, marka aad doorato kacitaanka qofna jidkaaga ma yaqaanno sida adiga aad u taqaano……………….

🌺 Ciladda dadka qaar waa inay sugaan cid kale oo u tilmaanto jidkooda, laakiin qofna noloshaada si dhab ah uguma noolaan karo sida adiga……………..

🌺 Go’aamada noloshaada haddii ay cid kale kuu qaadato, waxaad luminaysaa naftaada.
Nolosha noocaas ahi waa nolol la soo amaahday……………….

🌺 Qaado talada noloshaada xitaa haddii aad shaki qabto, shaki adigoo soconaya waa ka fiican yahay kalsooni adigoo istaagay
Tallaabooyin ficil ah oo aad ku bilaabi karto…. ;

1- Qaado masuuliyadda dhammaan noloshaada, xitaa wixii aadan sabab u ahayn, ma aha maxaa yeelay waa dambigaaga, ee waa maxaa yeelay adigaa keliya wax beddeli kara……………

2- Jooji cabashada, daqiiqad kasta oo aad ku cabato waa daqiiqad aad dib u dhigayso isbeddelka……………

3- Bilaaw talaabo yar, nadiifi qol, qoro hadaf maalinle……………..

4- Wajah cabsidaada halkii aad ka carari lahayd……………….

5- Ku hareeree naftaada dad ku xasuusiya awooddaada, ma aha tabartaada la’aanta.

6.Ku celi maalin kasta…………….

🌺 Qofna ima imaanayo si uu ii badbaadiyo, anigaa ahaa qofka aan raadinayay, ugu dambeyntii, qofna furayaasha noloshaada gacanta kuma hayo adiga mooyee…………..

🌺 Dadku way ku taageeri karaan, way ku jeclaan karaan, balse cidna ma noolaan karto adiga halkii……………..

🌺 Taasi ma aha murugo, waa mucjiso maxaa yeelay waxay muujinaysaa inaad tahay
qoraa, jilaa, iyo halyeeyga sheekadaada………..

🌺 Waad dhici kartaa, waad ooyi kartaa, laakiin inta aad soo kacayso sheekadu wali way socotaa, tnta aad socoto, waxaa jira rajo, waxaa jira adiga oo cusub oo xoog badan oo kaa sugaya dhinaca kale ee xanuunka………….

𝗫𝘂𝘀𝘂𝘂𝘀𝗻𝗼𝗼𝘄…………….🫵

🌺 Qofna kuguma imaanayo si uu kuu badbaadiyo waayo adigaa ah badbaadiyaha aad sugeysay Noloshaada, markaad fahanto taas, waxaad xorowdaa, wax kastaana halkas ayey ka bilaabmaan……………………

𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮 𝗮𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗯𝗮𝗱-𝗯𝗮𝗮𝗱𝘀𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗮 𝗵𝗮 𝘀𝘂𝗴𝗶𝗻 𝗶𝗻 𝘂𝘂 𝗾𝗼𝗳 𝗸𝘂𝘂 𝗯𝗮𝗱𝗯𝗮𝗮𝗱𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗸𝘂𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗱𝗼 𝗸𝘂𝘂𝗻𝗮 𝗯𝗮𝗱-𝗯𝗮𝗮𝗱𝗶𝘆𝗼 𝗵𝗮𝗹 𝗴𝗼’𝗮𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗮𝘁𝗼 𝗯𝗮𝗮 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱-𝗯𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗼 𝘄𝗮𝗹𝗶𝗴𝗮𝗮 𝗷𝗶𝗿𝗷𝗶𝗿𝗼𝗼𝗹𝗲 𝗸𝗼𝗹𝗯𝗮 𝗺𝗶𝗱𝗮𝗯 𝗴𝗼𝗼𝗻𝗶𝘆𝗮 𝗹𝗲𝗵 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗵𝗮 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗹𝗶𝗻……………..🫵🥹🙏

✍️𝗕𝗼𝗾𝗼𝗿𝗸𝗮 𝗫𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗝𝗮𝗰𝗲𝘆𝗹𝗸𝗮

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments