๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ง๐จ ๐๐จ ๐๐๐ฐ๐๐๐ฒ๐ ๐๐๐ช๐๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ฅ๐จ๐จ๐ฌ๐ก๐ ๐๐ฒ๐จ ๐๐ข๐๐ข๐ซ๐๐๐, ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐ก๐๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐๐ค๐๐ง๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฃ๐ข๐ฒ๐
Sep 2, 2025 -
Naqaska caloosha isku xira iyo dibiradu waxay qofka ka qaadaan xasiloonida iyo raaxada. Nasiib wanaag, waxaa jira cunnooyin yareyn kara astaamahaan. Cunnooyinkan oo la joogteeyo waxay kaxeynaysaa dibirada iyo hawada caloosha ku uruurta waxayna sare u qaadaysaa caafimaadka dheefshiidka.
๐๐ข๐ง๐ฃ๐ข๐๐ข๐ข๐ฌ๐ก๐:
Muddo qarniyo ah ayaa sinjibiisha loo adeegsan jiray in lagula tacaalo cilladaha dheefshiidka. Waxaa ku jira maadooyin yareeya hurka caloosha, islamarkaana daweeya naqaska caloosha iyo dibirada. Ku darso sinjibiisha cunnada ama shaah ahaan u cab.
๐๐๐๐ง๐๐๐๐:
Caleenta nacnaaca (mint), waxaa lagu yaqaannaa awoodeeda dejinta murqaha caloosha iyo yareynta naqaska caloosha isku xira iyo dibirada. Cab shaaha nacnaaca, ama caleenta nacnaaca ee qoyan ku darso ansalaada iyo cabitaannada aad shiidanayso.
๐๐ข๐๐ก๐๐ก๐ ๐๐๐ง๐ง๐๐ฅ:
Xawaashka loo yaqaanno โfennelโ waxa uu awood u leeyahay inuu nuugo naqaska mindhicirrada ku jira, islamarkaana uu dejiyo murqaha caloosha sidaasna uu khafiifiyo dibirada iyo naqaska. Calaali 1 qaado (qaadada yar ee shaaha) oo midhaha fennel-ka ah rashinka kadib ama shaah ahaan u cab.
๐๐๐๐๐๐ฒ๐ ๐:
Babaayga waxaa ku jira dheecaan burburiye loo yaqaanno โpapainโ kaas oo caawiya cunno shiidista isagoo burburiya barootinnada caloosha. Snack ahaan u cun babaayga bisil ama ansalaatada ku darso si aad u dheefsato faaidooyinka uu u leeyahay dheefshiidka.
๐๐๐ง๐๐ง๐๐๐ฌ๐ค๐:
Cananaaska waxaa ku jirta maado loo yaqaanno bromelain oo ah dheecaan burburiye dheefshiidka uroon, hurka calooshana yareeya. Ku darso cunadaada cananaaska fresh ah ama cabitaan ka dhigo si aad u yareyso naqaska caloosha isku xira iyo dibirada.
๐๐๐๐ง๐๐ก๐ ๐ฅ๐ ๐๐๐๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐ฒ:
Caanaha la fadhiisiyay ee loo yaqaanno โyoghurtโ waxa ay hodan ku yihiin โprobioticsโ kuwaas oo caawiya dheelitirka bakteeriyada caloosha iyo wanaajinta cunno shiidista. Cun yoghurt ka aan waxba lagu darin si aad uga dheefsato faaidada ugu badan ee dawaynta naqaska iyo dibirada.
๐๐๐ฃ๐๐๐ซ๐ค๐:
Qajaarku waxaa ku badan biyaha, wuxuu badiyaa kaadida taas oo yareynaynsa in jirku uu biyaha hayo iyo dibirada. Qajaarka ku darso ansalaatada, ama cabitaan ka samayso.
๐๐ก๐๐๐ก๐ ๐๐ก๐๐ฆ๐จ๐ฆ๐ข๐ฅ๐:
Shaaha chamomile wuxuu leeyahay awood lid-huriye, waxa uu dejiyaa cunno mareenka, waxaana uu yareeyaa naqaska iyo dibirada caloosha. Cab shaaha chamomile raashinka kadib.
๐๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐๐:
Huruuda waxaa ku jira maadada โcurcuminโ taas oo la arkay inay yareyso hurka caloosha. Huruuda oo cunnada lagu karsado ama lagu darsado caano kulul waxay la dagaallantaa naqaska caloosha isku xira iyo dibirada
Nile Care
Post Views: 79
Nagala Soo Xiriir
contact@xogbaahin.com