Naqaska caloosha isku xira iyo dibiradu waxay qofka ka qaadaan xasiloonida iyo raaxada. Nasiib wanaag, waxaa jira cunnooyin yareyn kara astaamahaan. Cunnooyinkan oo la joogteeyo waxay kaxeynaysaa dibirada iyo hawada caloosha ku uruurta waxayna sare u qaadaysaa caafimaadka dheefshiidka.
𝐒𝐢𝐧𝐣𝐢𝐛𝐢𝐢𝐬𝐡𝐚:
Muddo qarniyo ah ayaa sinjibiisha loo adeegsan jiray in lagula tacaalo cilladaha dheefshiidka. Waxaa ku jira maadooyin yareeya hurka caloosha, islamarkaana daweeya naqaska caloosha iyo dibirada. Ku darso sinjibiisha cunnada ama shaah ahaan u cab.
𝐍𝐚𝐜𝐧𝐚𝐚𝐜𝐚:
Caleenta nacnaaca (mint), waxaa lagu yaqaannaa awoodeeda dejinta murqaha caloosha iyo yareynta naqaska caloosha isku xira iyo dibirada. Cab shaaha nacnaaca, ama caleenta nacnaaca ee qoyan ku darso ansalaada iyo cabitaannada aad shiidanayso.
𝐌𝐢𝐝𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐟𝐞𝐧𝐧𝐞𝐥:
Xawaashka loo yaqaanno “fennel” waxa uu awood u leeyahay inuu nuugo naqaska mindhicirrada ku jira, islamarkaana uu dejiyo murqaha caloosha sidaasna uu khafiifiyo dibirada iyo naqaska. Calaali 1 qaado (qaadada yar ee shaaha) oo midhaha fennel-ka ah rashinka kadib ama shaah ahaan u cab.
𝐁𝐚𝐛𝐚𝐚𝐲𝐠𝐚:
Babaayga waxaa ku jira dheecaan burburiye loo yaqaanno “papain” kaas oo caawiya cunno shiidista isagoo burburiya barootinnada caloosha. Snack ahaan u cun babaayga bisil ama ansalaatada ku darso si aad u dheefsato faaidooyinka uu u leeyahay dheefshiidka.
𝐂𝐚𝐧𝐚𝐧𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚:
Cananaaska waxaa ku jirta maado loo yaqaanno bromelain oo ah dheecaan burburiye dheefshiidka uroon, hurka calooshana yareeya. Ku darso cunadaada cananaaska fresh ah ama cabitaan ka dhigo si aad u yareyso naqaska caloosha isku xira iyo dibirada.
𝐂𝐚𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐢𝐬𝐢𝐲𝐚𝐲:
Caanaha la fadhiisiyay ee loo yaqaanno “yoghurt” waxa ay hodan ku yihiin “probiotics” kuwaas oo caawiya dheelitirka bakteeriyada caloosha iyo wanaajinta cunno shiidista. Cun yoghurt ka aan waxba lagu darin si aad uga dheefsato faaidada ugu badan ee dawaynta naqaska iyo dibirada.
𝐐𝐚𝐣𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚:
Qajaarku waxaa ku badan biyaha, wuxuu badiyaa kaadida taas oo yareynaynsa in jirku uu biyaha hayo iyo dibirada. Qajaarka ku darso ansalaatada, ama cabitaan ka samayso.
𝐒𝐡𝐚𝐚𝐡𝐚 𝐜𝐡𝐚𝐦𝐨𝐦𝐢𝐥𝐞:
Shaaha chamomile wuxuu leeyahay awood lid-huriye, waxa uu dejiyaa cunno mareenka, waxaana uu yareeyaa naqaska iyo dibirada caloosha. Cab shaaha chamomile raashinka kadib.
𝐇𝐮𝐫𝐮𝐮𝐝𝐚:



