QISO CAJIIB AH! Oo Anagoo dhan nawada quseeysa
Aug 12, 2025 -
habeen qabow badan, ayuu nin maalqabeen ah. banaanka kula kulmay oday sabool ah. wuxuuna waydiiya.
miyaadan qabow dareemaynin. adigoo banaanka jooga oo waliba jaakad xirnayn.?
Odaygii ayaa ugu jawaabay ninki taajirkaa ahaa.
ma haysto waana la-qabsaday xaaladan.
maalqabeenki ayaa ugu jawaabay. waxyar i sug, gurigayga ayaan hada kaaga soo qaadayaa jaakad.
ninki maskiinka ahaa oo aad u farxay ayaa dhahay, haye waan ku sugi.
taajirki ayaa gurigiisa galay, kadibna wuu mashquulay. sidaas ayuuna ku ilaaway balanti uu ka qaaday ninki maskiinka ahaa.
subaxdi ayuu soo xasuustay arrinti. banaanka ayuuna u soo baxay, si uu u raadiyo odeygi. balse wuxuu arkay odeygi oo dhaxan darteed u dhintay xalay.
qoraalkan ayuuna u reebay.
marki hore waxaan lahaa awood aan kula dagaalamo qabowga. waayo waan la qabsaday. laakin markaad ii balan qaaday inaad i caawinayso. waxaan aaminay balantaadi, taasna waxay baabiโisay awoodaydi gudaha. ee aan iskaga caabinayay qabawga daran.
ujeedada qisan.
waligaa balan aadan fulinaynin ha qaadin” waayo balanku waa Diin daro diinta iyo allena aad beey uga hadleen” qofka hamigiisa iyo hankiisa haku ciyaarin oo waxaadan siineeynin ha u balan qaadin waayo balanku haduu adiga dhankaada ka fudud yahay ama uu ukala’yahay wax qof laga qaado oo hadana laga bixi karo” ogoow alle agtiisa weeyka culustahay balanta”
Cumar Bashiir Cumar
Post Views: 81
Nagala Soo Xiriir
contact@xogbaahin.com