Baro Ka Baxitaanka Goobaha Khaldan.


Baro Ka Baxitaanka Goobaha Khaldan.

Nolosha, qofna laguma dhalo isagoo garanaya goorta uu bilaabayo iyo goorta uu joojinayo.
Waxaan si fudud u barannaa bilowga, balse dhamaadka ayaan ku wareernaa.
Waxaan ku dhegnaa meelihii aan horey u jecelnayn, xiriirro na daaliyo, iyo deegaan damiyo ruuxdeena — sababtoo ah ma baran ka bixitaanka goobaha qaldan.

Ka bixitaanka ma aha daciifnimo sida dadku u maleeyaan, ee waa xoog deggan oo uu fahmo qofkii la kulmay xanuunka joogitaanka meel khaldan.
Waa oggolaansho aamusan oo aad ku tidhaahdo: sharafteyda iyo naf degganaantaydu waxaa ka muhiimsan yihiin sii joogitaanka meel aanan ku qiimeysneyn.

Ka bixitaanka sharaf leh waa inaad tagto adigoon samayn buuq, adigoon aargudan, adigoon caro muujin — balse aad tagto adigoo deggan, wacyi leh, iyo qalbi furan oo sida xiddig ku sagootiyey cir daalan.
Goobaha khaldan ma aha meel keliya

Markaan nidhaahno goob khaldan, ma aha meel jir ahaaneed oo keliya.
Waxay noqon kartaa xiriir, shaqo, saaxiibtinimo, fikir, caado xun
Goobaha khaldan waa wax kasta oo kaa daaliya halkii uu kaa farxin lahaa, kaa yareeya halkii uu kaa kicin lahaa.
Mararka qaar waad sii joogtaa maxaa yeelay waad la qabsatay, ama waxaad ka baqaysaa wax aanad aqoon, ama waxaad u malaynaysaa in bixitaanku la mid yahay guuldarro.
Laakiin runta?
Joogitaanka meel khaldan waa guuldarro qarsoon.

Sababta aan uga baqno bixitaanka goobaha qaldan;

Waxaan ka baqnaa maxaa yeelay waxaan u aragnaa tagista inay tahay khiyaano,
Waxaan u malaynaa in dhammaadku had iyo jeer yahay xanuun,
Waxaanan u aragnaa joogitaanka inuu yahay daacadnimo — xitaa haddii qiimihiisu yahay nafteena.
Laakiin dhab ahaantii, xanuunka ugu weyn ma ka yimaado luminta, ee wuxuu ka yimaadaa ku dheganaanta waxa la rabay in la iska daayo.
Inaad sii joogto xiriir aad ogtahay inuu ku dhaawacayo, ama shaqo kugu cadaadis ah, ama meel aan lagu ixtiraamin — dhammaantood waa qaabab xanuun leh oo ah ka baqidda bixitaanka.
Halyeeynimada dhabta ahi ma aha inaad sii joogto,
ee waa inaad garato goorta bixitaanku yahay xigmad, ee aan ahayn carar
Cararku wuxuu ka yimaadaa cabsi,
laakiin bixitaanka sharaf leh wuxuu ka yimaadaa garasho.
Carar waa in aanad wajahayn,
balse bixitaanka sharafta leh waa inaad fahantay, kadibna dooratay nabad halkii dagaal.
Inaad tagto maxaa yeelay waxaad garatay in joogitaanku aanu wax kuu kordhineyn ee uu kaa dhimanayo qiimaha Naftaadda
bixitaanku waa inaad ilaaliso naftaada iyo dadka kale, xitaa markaad sagootinayso.
Tag adigoon qofna dhaawicin, adigoon nacayb ka tagin — sida dabaysha oo kale oo si deggan u baxda
Ka bixitaanka meel aad jeclayd waa kan ugu adag
Mararka qaar, meesha khaldan waa tii aad hal mar riyo ka dhigtay.
Shaqadii aad ku hamiday, xiriirkii aad moodaysay inuu yahay qadarkaaga, ama magaalada aad u malaysay inay tahay bilow cusub.
Kadibna waxaad ogaanaysaa in xitaa riyooyinku ay mararka qaar ku khaldaan jidka.
Imtixaanka ugu weyn waa:
Ma leedahay geesinimada aad kaga tagto waxa aad jeclayd?
Ma odhan kartaa “maya” waxa aad mar u arkaysay “wax walba”?
Nolosha qaangaarka ah waa inaad barato inaad ka tagikarto goob khaldan adoon qofna dhaawicin

Ka bixitaanka goob khaldan ma u baahna sharaxaad

Markaad ka baxdo meel aan kuu fiicnayn, dad badan ma fahmi doonaan.
Qaar waxay kuu arki doonaan kibir, qaarna way kaa shakisan doonaan.
Laakiin xasuuso: wacyigu ma u baahna sacab.
Ka bixitaanka goob khaldan lama faahfaahiyo waa la dhaqankaliyaaa
Waxay dadka qaar u arki doonaan aamusnaan, balse gudahaaga waxaad dareemaysaa deganaan, maxaa yeelay ugu dambeyntii waxaad dooratay naftaada halkii aad dooran lahayd muuqaalka dadka hortooda
Ka bixitaanka ma aha dhammaad waa bilow

Markaad ka baxdo meel khaldan, ma luminaysid ee waxaad abuuraysaa meel bannaan oo sax ah.
Farqigaas cusub ma aha mid cidlo ah, waa meel bannaan oo loogu talagalay iftiin, run, iyo nasasho.
Ka bixitaanka xiriir dhaawac ah waa bilow xiriir adiga laftaada ah.
Ka bixitaanka shaqo ku cadaadinaysay waa bilow mashruuc kuu gaar ah.
Ka bixitaanka saaxiibtinimo been ah waa bilow daacadnimo gudaha ah.
Dhammaad kastaa waa albaab cusub,xitaa haddii aadan hadda arkin.
Ugu dambayn: kabixitaanka goob khaldan Waa wax adag Waa inaad kabaxdaaa adigoo madaxa kor u haaya.
Awoodda dhabta ahi ma ahan joogitaanka,
ee waa inaad tiraahdo: “Waan fahmay in tani tahay dhammaad, waana ixtiraamayaa dhammaadka.”
Qofka xoogga leh ma baxo sababtoo ah wuu daalay,
ee wuu baxaa sababtoo ah wuu gartay.
Ha isku khasbin inaad joogto halka aanad ku kori karin.
Noloshu waa gaabantahay, tamartuna waa wax xadidan,Ha ku lumin meel aan ku arkin, xiriir aan ku qiimeyn, ama shaqo aan kuu oggolayn inaad noqoto adiga.
Ka tag marka aad dareento in joogitaankaagu aanu midho dhalin.
Sida geedku uusan ugu Korin ciid qalalan, adiguna ha ku sii jirin meel aan nolosha kugu kicinayn
Markaad baxdo adigoo edeb leh ,Ilaahay wuxuu kuu furayaa wax ka wanaagsan.
Maxaa yeelay Ilaah marna kaa qaadi maayo wax wanaagsan, asigoo kuu diyaarin mid ka qurux badan.
Marka ha murugoon, haddii ka bixitaanku ku xanuujiyo waxaa suuragal ah in badbaadadaadu ay ku jirtay isla bixitaankaas,Tag si sharaf leh,
oo ha ka tegin raad xanuu n ah, balse ka tag albaab furan oo iftiin ah.

NB:kabixidda Goobaha qaldan,markaad ka baxdo illahaay waxuu kuu furaaa wax ka wanaagsan,maxaa yeelay allaah marnaba kaa qaadi maayo wax kuuwanaagsan asigoo kuu diyaarin mid ka qurax badan!

#Nasiib wanaagsan saxiiib

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..