*5 Qof oo Shaqsiyaddaada iyo Mustaqbalkaaga Wax Ka Dhisa la Saaxiib ama ugu yaraan xiriirkooda dhis – waad ka faa’iidi doontaa*
*Noloshu ma aha kaliya waxa aad adigu taqaanid ama aad samayn kartid, balse waa sidoo kale dadka kugu hareeraysan. Qofka aad la socoto ayaa saameeya heerka fikirkaaga, jihadaada, iyo halka aad ku dambayn doonto. Haddii aad rabto korriin dhab ah, guul waarta, iyo maskax furan, waa lama huraan in aad xiriir dhisto ama la saaxiibto shantaan nooc oo ka mid ah bulshada:
1. Qofka Aqoonta Leh*
Qofkani waa keyd aan dhammaan oo waxbarasho iyo waayo-aragnimo leh. La joogistiisu waxay ballaarisaa aragtidaada, saxdaa fahamkaaga, kana ilaalisaa khaladaad badan. Aqoontu ma aha hadal keliya, waa iftiin kuu ifiya waddada aad marayso.
Faa’iidada aad ka heli karto:
Waxaad barataa sida loo fikiro, loona go’aansado si miyir leh
Waxaad kasbataa faham ka sarreeya kan caadiga ah oo kugu jiray,
2. Qofka Adkaysiga Leh*
Qofkani waa mid aan jabin marka duruufuhu adkaadaan. Wuxuu ku baraa in guushu aysan ku imaan sahal, balse ay ka dhalato dulqaad, sabir, iyo joogteyn.
Faa’iidada aad ka heli karto:
Waxaad barataa in guuldarradu aysan ahayn dhammaad.
Waxaad yeelataa maskax adkaysi leh marka caqabad timaado,
3. Qofka Dadka Dhiirrigeliya*
Qofkani waa tamar nool. Markaad la joogto, rajadaadu way kacdaa, niyaddaaduna way xoogaysataa. Wuxuu ku tusaa in hadal wanaagsan iyo tusaale ficil ahi ay beddeli karaan qalbiyada iyo bulshooyinka.
Faa’iidada aad ka heli karto:
Waxaad helaysaa dhiirrigelin joogto ah
Waxaad barataa sida dadka loo saameeyo si togan
4. Qofka Hal-abuurka Badan Leh*
Qofkani wuxuu arkaa wax aysan dadka kale arkin. Wuxuu su’aalo gelinayaa caadiga, wuxuuna keenaa xalal cusub. Hal-abuurku waa furaha horumarka.
Faa’iidada aad ka hesho:
Waxaad barataa fikir ka baxsan inta la arko,
Waxaad yeelataa awood aad ku curiso fursado cusub iyo hal-abuur,
5. Qofka Isku-dayga Badan, Guushana Jecel*
Qofkani ma sugo xaalad qumman, wuu bilaabaa. Wuu khaldaa, wuu bartaa, mar kale ayuu isku dayaa. Guusha ayuu jecel yahay, balse kan ugu sii muhiimsan, wuxuu jecel yahay dadaalka.
Faa’iidada:
Waxaad barataa ficil iyo dhiirranaan
Waxaad ka tagtaa caajiska iyo dib u dhaca,
*Gaba-gabo:
Haddii aad si miyir leh u doorato dadka aad la socoto, adiga ayaa si miyir leh u dooranaya mustaqbalkaaga. Shantan qof ma aha in dhammaantood hal meel laga helo, balse mid kasta oo aad noloshaada ku darto, wuxuu kuu noqonayaa jaranjaro kale oo aad ku gaarto horumar, bisayl, iyo guul.
Xusuusnow:
👉 Qof walba oo noloshaada soo gala waa cashar, balse qofka saxda ah waa maalgelin rismi ah.
*dooro dad wanaagsan si aad u hesho jid wanaagsan iyo jaranjaro lagu koro buurdheer,*
#bandhigbulsho #dhiirigelinbulsho #Baraarujin
#fadlanlawadaag