Duurjoog Media Platform Ku Saabsan DuurJoog


Duurjoog Media Platform

Ku Saabsan DuurJoog

DuurJoog waa madal warbaahineed oo af-Soomaali ku hadasha, kuna takhasustay ka sheekaynta nolosha duurjoogta, ilaalinta deegaanka iyo wacyigelinta bulshada. Waxaa aasaasay Jibriil Cismaan 25-kii Janaayo 2026, magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

 

DuurJoog waxay si maalinle ah u soo saartaa muuqaallo iyo sheekooyin aqoon korodhsi ah oo ku saabsan duurjoogta, deegaanka iyo muhiimadda dhowrista khayraadka dabiiciga ah, iyadoo ujeeddadeedu tahay in bulshada Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyo ilaalinta iyo qadarinidda noolaha duurjoogta ah.

 

Himiladayada

 

“Himiladayadu waa in daawadashu wax badan ka bartaan nolosha duurjoogta, kuna baraarugsanaadaan muhiimadda ilaalintooda. Waxaan ka mid nahay madallo aad u kooban oo afka Soomaaliga ku soo bandhiga sheekooyinka duurjoogta iyo dhowrista deegaanka.”

 

— Jibriil Cismaan, Aasaasaha DuurJoog

 

Aasaasaha

Jibriil Cismaan

 

Aasaasaha iyo Barnaamij-sameeyaha DuurJoog Media Platform

 

Koboca iyo Gaadhista Bulshada

 

Inkasta oo DuurJoog la aasaasay bishii Janaayo 2026, haddana muddo kooban gudaheed waxay gaadhay koboc muuqda:

 

TikTok

40,000 Raacayaal (Followers)

Muuqaalka ugu daawashada badan: 1.5 Milyan oo Daawasho

YouTube

16,700 Macmiil (Subscribers)

Facebook

16,150 Raacayaal (Followers)

Wadarta Guud

 

72,850+ taageerayaal iyo raacayaal muddo afar bilood gudahood ah.

 

Maxaa DuurJoog Ka Dhigaya Mid Gaar Ah?

Takhasus Gaar Ah

 

DuurJoog waa mid ka mid ah madallada aadka u yar ee af-Soomaaliga ku tabiya sheekooyinka duurjoogta iyo arrimaha deegaanka si xirfad leh.

 

Luuqado Badan

 

Muuqaalada waxaa lagu soo bandhigaa af-Soomaali, iyadoo lagu daro qoraallo English ah (English Subtitles) si ay u fahmaan daawadayaasha caalamiga ahi.

 

Hab Casri Ah oo Wax-soo-saar

Studio xirfad leh

Adeegsiga tiknoolajiyadda AI Voice

Daabacaad maalinle ah

Muuqaallo tayo sare leh

Wacyigelin Bulsho

 

DuurJoog waxay kor u qaaddaa fahamka bulshada Soomaaliyeed ee ku saabsan ilaalinta deegaanka, duurjoogta iyo khayraadka dabiiciga ah.

 

Barnaamijyada Ugu Caansan

Mucjisada Guumaysta (Owl)

 

Mid ka mid ah barnaamijyada ugu guusha badan ee DuurJoog ayaa ka hadlay nolosha iyo mucjisooyinka Guumaysta. Barnaamijkan ayaa gaadhay in ka badan 1.5 milyan oo daawasho, isagoo noqday muuqaal si weyn loo daawaday loogana falceliyey.

 

Himilada Mustaqbalka

 

“DuurJoog wuxuu ka kooban yahay TikTok, Facebook iyo YouTube. Muuqaaladayada waxaan ku darnaa qoraallo English ah si ay daawadayaasha caalamku ula socdaan. Hadafkayagu waa in magaca DuurJoog uu ka gudbo xuduudaha Soomaaliya, isla markaana uu noqdo madal caalami ah oo lagu aqoonsado sheekooyinka duurjoogta iyo deegaanka.”

 

— Jibriil Cismaan

Xidhiidhka

Email: duurjoog603@gmail.com

WhatsApp: +252 61 514 3848

 

Baraha Bulshada

TikTok: @DuurJoog

YouTube: DuurJoog

Facebook: DuurJoog

 

Goobta

Muqdisho, Soomaaliya

Hal-ku-dheggeenna

“Baro Dabeecadda, Dhowr Deegaanka, Ilaali Duurjoogta.”

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *