*Kuma Sheegi Karo Goorta Aad Guulaysanayso… Laakiin Waan Kuu Sheegi Karaa Sida Loo Guulaysto!”*
Oct 17, 2025 -
Noloshu waa safar aan cidna loo ballanqaadin waqtiga ay guushu imaaneyso. Guushu ma timaaddo si lama filaan ah, mana timaaddo hal habeen oo aad seexato oo subaxdii toosto adigoo guuleystay. Waxay ku timaadaa juhdi badan, dulqaad leh, samir leh, una diyaar ah in ay sii socdaan xitaa marka aysan waxba muuqan.
Haddii aanan kuu sheegi karin *goorta* aad guulaysan doonto, waxaan kuu sheegi karaa *tilmaamaha* aad marayso si aad u gaarto guul dhab ah:
*1. Yeel himilo iyo heegsi cad:*
Qof aan garanayn halkuu u socdo, meelna ma gaaro. Ugu horrayn, is waydii: maxaan doonayaa? Maxay tahay sababta aanu socdo? Ku dheji maskaxdaada hadaf kuu gaar ah oo u dagaallan oo si aad gaarto__
*2. Ka kac marka aad dhacdo:*
Guushu kama timaado guul keliya, waxay timaadaa markii aad ku guuleysato inaad marar badan ka kacdo markaad dhulka ku dhacday. Guuldarradu waa macalin — bar, naftaada taas dibna u kac.
*3. Iska fogee quusta iyo niyad-jabka:*
Guusha looma maro fadhiga iyo riyooyinka aan ficil lahayn lama geero, Waa in aad si joogto ah u dadaashaa, xitaa marka aysan jirin cid ku amaanaysa ama aragta waxa aad qabanayso.
*4. Naftaada ha isbarbar dhigin dadka kale:*
Dadka qaar waxay guulaystaan 20 jir, qaar 50 jir, qaarna ayagoo waayeel ah. Adigana waxaad leedahay xilli kuu gaar ah. Isbarbar dhiggu wuxuu dili karaa rajadaada. Naftaada la tartan, maanta ka wanaagsanow shalay__
*5. Ha joojin barashada iyo horumarka:*
Qofka guul doonka ah mar walba wax buu baranayaa. Waa qof aqriya, maqla, la-tashado, su’aalo iska weydiiya, aqbala in uu khaldo, laakiin aan ku nagaan khaladkiisa.
*6. Ku dhowow Alle, kuna camal fal ducada iyo dadaalka:*
Guushu ma aha kaliya dadaalka jidheed. Waa isku darka rajo, rumayn, duco iyo ficil. Xidhiidhkaaga Rabbigaa ha xumayn marna waayo alle ayaa ah isha xooggaaga.__
*Gunaanad:*
Ma hubo goorta aad guulaysan doonto…
Laakiin waan hubaa in haddii aad himilo leedahay, aad dadaalayso, aadan quusan, aadan caajisin, aad wax baranayso, oo Alle raalli kaa yahay — *in aad guulaysan doonto*!
*Guushu ma aha nasiib kaliya waa abaal marin dulqaadka, dadaalka iyo go’aanka adag.*

*Ha joojin socodkaaga, xitaa haddii aysan cidina kuu sacbin!*
*Maanta dhis berrida aad ku riyootay!*
Abdirisaaq khayrdoon
Post Views: 165
Nagala Soo Xiriir
contact@xogbaahin.com