Saddex Arrimood oo La Xidhiidha Wax-Ka-Beddelka Dastuurka


1. Puntland – June 2023
Bishii June 2023, Siciid Deni ayaa wax ka beddel ku sameeyay qaar ka mid ah qodobbada dastuurka Puntland, arrintaas oo dhalisay muran iyo diidmo xooggan. Xiisaddaasi waxay sababtay dagaal hubeysan oo ka dhacay magaalada Garoowe, kaas oo ay ku dhinteen dhowr iyo labaatan qof, oo ay ku jireen 14 qof oo rayid ah.

2. Jubbaland – July 2024
Bishii July 2024, Axmed Madoobe ayaa wax ka beddel ku sameeyay dastuurka Jubbaland, waxaana laga saaray qodobkii xaddidayay tirada jeer ee qofka loo dooran karo hoggaanka maamulka.

  • Markii hore: ugu badnaan laba xilli

  • Isbeddelka kadib: xaddid ma leh
    Sidoo kale, muddada xilka hoggaanka Jubbaland ayaa laga dhigay shan sano.

3. Soomaaliya – March 2026
Bishan March 2026, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xaqiijiyey ballanqaadkiisii doorashada ee ahaa dhammaystirka dastuurka dalka, iyadoo lagu guuleystay in arrintaasi ay dhacdo iyada oo aan rabshad ama dhiig daadan.

Isbarbardhigga Arrimaha

Waxaa la tilmaamayaa in Xasan Sheekh waajibaadkiisa siyaasadeed uu ka mid ahaa dhammaystirka dastuurka federaalka, halka Siciid Deni iyo Axmed Madoobe aan si toos ah loogu dooran in ay wax ka beddelaan dastuurada Puntland iyo Jubbaland.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dad aragtiyo kala duwan ka qaba saddexdan arrimood, qaarna waxay u arkaan labada hore inay sax yihiin, halka ay ku dhaliilayaan midka saddexaad.

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *