1. Puntland – June 2023
Bishii June 2023, Siciid Deni ayaa wax ka beddel ku sameeyay qaar ka mid ah qodobbada dastuurka Puntland, arrintaas oo dhalisay muran iyo diidmo xooggan. Xiisaddaasi waxay sababtay dagaal hubeysan oo ka dhacay magaalada Garoowe, kaas oo ay ku dhinteen dhowr iyo labaatan qof, oo ay ku jireen 14 qof oo rayid ah.
2. Jubbaland – July 2024
Bishii July 2024, Axmed Madoobe ayaa wax ka beddel ku sameeyay dastuurka Jubbaland, waxaana laga saaray qodobkii xaddidayay tirada jeer ee qofka loo dooran karo hoggaanka maamulka.
-
Markii hore: ugu badnaan laba xilli
-
Isbeddelka kadib: xaddid ma leh
Sidoo kale, muddada xilka hoggaanka Jubbaland ayaa laga dhigay shan sano.


