Beri baa dal waxa uu caado u lahaa in boqor kasta hal sano uu xukumo. Ka dibna la geeyo jasiirad badweynta ku dhextaal oo kayn jiq ah, bahallo ay ka buuxaan si uu halkaas ugu dhinto.
Boqorkasta marka uu dhameysto xukunka sanadka ah Inta dhar qaali ah loo xiro oo Maroodi la saaro ayaa magaalada lagu soo wareejin jirey. Si uu shacabka u soo macasalaameeyo. Ka dibna inta doon la saaro ayaa jasiiradda looga soo tegi jirey.
Maalin maalmaha ka mid ah Ilaalayayaashii boqortooyada markii ay boqorkii ugu dambeeyey Jasiiradda geeyeen ee ay ka soo noqonayeen, ayaa waxay badda ku soo arkeen markab ku jabay oo quusay oo uu hal nin oo dhallinyaro ah ka badbaaday.
Ninkii waxay keeneen magaalada waxay ka codsadeen inuu boqor u noqdo. Sharuudaha boqornimada ee sanadka ah iyo nolosha jasiiradda oo qasab ahna way u sheegeen.
Ninkii codsigii wuu ogolaaday. Markii uu saddex berri boqor ahaa ayuu codsaday in jasiiradda la soo tuso. Markii uu soo arkay ee uu ka soo noqday boqortooyadii ayuu codsaday in 100 shaqaale ah la siiyo.
Ka dib jasiiradii ayuu dhirtii ka guray, geed mirood iyo ubax ku beeray. Bahalladii wax cunayey ka laayey. Xoolo, digaag iyo ugaar ku beeray. Guri weyn ka dhisay. Dekedna u sameeyey.
Meel qurux badan oo loo dalxiisi karo ayuu jasiiraddii ka dhigay.
Sanadkii markii uu u dhammaaday ee lagu soo wareejinayey magaalada halkii ay boqorradii hore ka murugeysnaan jireen, isagu wuu faraxsanaa oo qoslayey.
(Taasi waxaan uga socdaa qofkasta oo kursiga dhiigga badan loo daadshay ku fariista. Waa inuu sahan sadaa marka waqtigiisu dhammaado halkii uu ku noolaan lahaa!!)
Cabdulqaadir Maax
Sheeko Siyaasadeed (6)
