Qaar badan oo dadka ka mid ah ayaa aaminsan in saboolnimadu ay tahay qaddar aan laga baxsan karin — in duruufaha adag ee nololeed aysan isbedeli karin, maxaa yeelay waa Qadar. Fikraddan waxaa lagu magacaabaa Destiny Poverty, waana mid si weyn u carqaladeysa riyada xorriyadda maaliyadeed. Saddexdan qodob ayaana saldhig u ah fikradan.
1. Aragti Xaddidan (Limited Vision)
Qofka fikirkan qabo ma laha himilo fog iyo aragti mustaqbaleed. Ma rumeysna in noloshiisu isbedeli karto, mana arko sabab uu u dadaalo. Noloshiisu waxay ku kooban tahay ku noolaanshaha waxa uu hadda haysto.
2. Yool iyo Ujeeddo La’aan (Unclear Goals)
Markaad aaminsan tahay in guusha aysan adiga kuu qorneyn, waxaad dayacdaa yool dejinta, qorsheynta, iyo dhiirranaanta. Tani waxay noloshaada u beddeli kartaa mid caajis ah oo aan lahayn ujeeddo cad.
3. Saameynta Xaaladaha Dibadda (External Influence)
Deegaanka aad ku kortay, heerkaaga waxbarasho, ama duruufaha qoyskaaga waxay saameyn karaan sida aad nolosha u aragto. Laakiin taasi micnaheedu ma aha in aad la mid noqonayso duruufahaas. Xaqiiqdu waa: adiga ayaa leh awoodda isbeddelkaaga.
Fikradda destiny poverty waa silsilad aan la arki karin oo qofka ka celisa inuu bilaabo safarka horumarka. Ma jiro wax kaa hor istaagi kara xorriyad dhaqaale haddii aad beddesho fikirkaaga, dejiso yoolal cad, oo aad tallaabooyin dhab ah qaaddo.
Horumarkaagu wuxuu ku bilaabmaa marka aad go’aansato in aad iska furto silsiladda fikirka xaddidan.
Ku soo biir boggeenna hadii aadan ka mid ahayn Saaxiibada ku xiran.
W/Q Usame Qiyasle