2. “Horumarka dhaqaale waxa uu ka yimaadaa anshax suuban, dulqaad, iyo go’aan qaadasho joogto ah.”
3. “Waa sahlan tahay in la sameeyo qorshe; waa se adag tahay in la raaco marka noloshu is beddesho.”
4. “Waqti iyo dulqaad ayaa kaa dhigaya maal-qabeen – ma ahan sir qarsoon.”
5. “Lacagta badan ma dammaanad qaadayso farxad; laakin xorriyad go’aan iyo deganaansho ayaa laga helaa.”
6. “Dadku waxay lacag u urursadaan si ay u dareemaan kalsooni – laakin marar badan waxay kharash ku bixiyaan si ay u muujiyaan ‘status’.”
7. “Ma jiro qof kale oo sida adiga u fahmaya noloshaada, markaa ha isku dayin inaad la tartanto qof aanad noloshiisa garanayn.”
8. “Inta badan waxa naga lumiyo lacagta waa rabitaan cusub oo aan weligeed dhammaan.”
9. “Maal-qabeen ma aha kan ugu badan ee lacagta kasbaday – waa kan si fiican u maareeyay waxa uu haysto.”
10. “Lacag keydso – xitaa haddii aanad u haynin sabab. Sababta aiyada iman doonta markaad u baahato.”
—
11. “Maal-gashi fiican ma aha midka ugu faa’iidada badan – waa midka aad la noolaan karto wakhti dheer.”
12. “Xoogga saar dabeecaddaada lacageed – ma ahan suuqyada.”
13. “Inaad si tartiib ah u hodanto waa ammaan, caqli, iyo waaqici.”
14. “Qofka kasbaday lacag badan lagama yaabo inuu fahmo sida loo ilaaliyo.”
15. “Guusha dhaqaale waa mid la xiriirta barashada, qalad ka faa’iidaysi, iyo hagaajinta hab-dhaqanka.”
16. “Maalgelinta wanaagsan ma aha in la helo talo sir ah – waa in la helo sabir iyo maareyn maskaxeed.”
17. “Ka faa’iidayso waxyaabaha yar yarka ee badan –waliba si joogto ah – halkii aad sugi lahayd guul weyn mar qura.”
18. “Noloshu is beddeshayso – lacagtaada la mid ka dhig: u diyaari wax aan la fileynin.”
19. “Qabowji maskaxdaada goorta suuqu kulul yahay daganaanta ayaa kaa dhigi kara mid ka badbaada qalalaasaha.”
20. “Maalgelin fiican = maskax deggan + wakhti dheer + dulqaad + caqli gal.”