Qoriga iyo qalinku waa jid bixiyayaasha nolosha, waa marka lagu raadiyo wixii xaqa loo lahaaye. Haddii se ay gacanta u galaan dad aan aqoon waxa dhabta ah ee ay tahay in lagu baadi doono, iyaga ayaa dadkaasi iskula jeesta oo unuunka iska gura.
Daanta aynu ku noolnahay ee la yidhaa geeska Africa labadan ayaa xalka sii fogeeyay, sababtuna waa in ay gacanta u galeen cawaan aan calooshooda mooyaane mid kale aqoon.
“Weger iyo ka waaweyn
Tani waa ka waasacan
Hadday ceel Walwaaleed
Ku go’aan wadaamuhu
Waan-waani dhacantee
Wadnahaan farta ku hayaa.”
โHadraawi
AUN.