Gabar aan guursan ayaa habeen dhan hal qol la seexatay wiil 20 jir ah,!


Markuu albaabka furay ayuu yaabay oo yiri:
– Yaa tahay?
Waxay tiri:
– Anigu waxaan imid halkan aniga oo la socday ardayda iskuulka, laakiin way iga tageen oo jidkii magaaladeyda ma aqaan.
Wuxuu ku yiri:
– Halka aad joogto waa meel cidlo ah. Tuuladii aad rabtay waxay ku taallaa dhinaca koonfureed, adiguna waxaad joogtaa dhinaca woqooyi, halkan cidna ma degana.
Markaas ayuu ku yiri:
“Soo gal oo Caawa ila joog, subaxdana gaari baan kuu raadinayaa si aad gurigaagii ugu noqoto.”
Wuxuu siiyey sariirtiisa, isaguna wuxuu seexday dhulka, xijaab ayuu dhigay si uu u kala qaybsado qolka.
Gabadhii sariirta ayey jiiftay iyadoo cabsi ku jirta, waxayna isku duubtay buste wiilka ayay si qarsoodi ah ula socotay.
Wiilkii wuxuu fadhiistay geeska qolka, buug buu akhrinayay. Markii dambe buuggii buu xiray, wuxuu fiiriyay shumaca, kadibna farta ayuu shumaca saaray shan daqiiqo
Farahiisa ayuu gubay.
Intuu mid walba sidaas u gubayay ayay gabadhii ilmeyneysay iyada oo ka cabsi qabta inuu Waalan yahay ama uu sixir sameynayo.
Habeenka oo dhan midkoodna ma seexan. Subaxdii ayuu gurigeeda geeyay. Markii ay waalidkeed u sheegtay waxay soo martay, aabbaheed wuu shakiyay. Gabadhii xataa wey xanuunsatay cabsidii darteed.
Maalintii ku xigtay Gabadhii aabaheed ayaa u tegay wiilka isaga oo iska dhigaya inuu yahay socoto, si uu jidka wax uga weydiiyo. Intay socdaan ayuu arkay gacmaha wiilka oo dhammaantood gubtay, markaas ayuu weydiiyay sababta.
Wiilkii wuxuu ku jawaabay:
“Habeen hore gabar qurux badan ayaa i weydiisatay iney qolkeyga seexato. Shaydaanku wuxuu iigu waswaasiyay xumaan, markasta oo naftu i kiciso waxaan gubay farahayga si aan uga baqo Naarta
oo aan u xakameeyo naftayda. Xanuunka gubashada wuxuu iga celiyay inaan ku xadgudbo gabadhaas, waayo waxaan ka baqay Alle iyo cadaabkiisa.”
Aabbihii aad buu ula dhacay akhlaaqdiisa, gurigiisa ayuu ugu yeeray, wuxuuna go’aansaday inuu wiilka siiyo gabadhiisa isaga oo aan u sheegin inay iyadu ahayd gabadhii habeenkaas seexatay.
Sidaas ayay noqotay, wiilkii halkii uu xumaan ku heli lahaa hal habeen, wuxuu Alle uga beddelay inuu xaaska u noqoto noloshiisa oo dhan.
Qofkii wax Alle dartii uga tagaa, Allaah wuxuu ugu beddelaa wax ka kheyr badan!

Hadaad Qisaska Jeceshahay Ku Xidhnow bogeyga Eng Cali Alcadaala

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..