Rafaadku waa waddada guusha, Cid kasta way riyootaa, balse kuwa yoolka gaadhay waa kuwa adkaystay, Riyadu run ma noqoto hadii aad ka baqdo rafaadka.
Aug 7, 2025 -
Waxaa run ah in riyada la rumayn karo, xaqiiq loo bedelin karo haddii loo rafaado oo la dhabar adaygo, Rafaadku waa qiimaha lagu bixiyo si riyada loogu beddelo xaqiiq.
Xaqiiqdu waxay tahay in riyadu aysan dhab u noqonayn dad aan diyaar u ahayn inay la kulmaan rafaad, niyad jab iyo sabir, Riyo la’aan waa nolol la’aan, Dadka meel gaaray oo dhami waa kuwo wax ku riyooday oo xaqiiq u badalay, Riyo walba oo rumawdey waxaa ka horeeyay dadaal iyo go’aan adag, Ogow wax la’iska sugo ma yimaadaan oo aan loo dhibtoon.
Riyadu waa qayb ka mid ah nolosha bani’aadamka, waxayna qof walba siisa fursad uu ku arko mustaqbal ka duwan kan uu hadda ku sugan yahay, marka la dhaho “Sida loo riyoodo, haddii loo rumayn karo cidba ma rafaadeen,” waxay noqonaysaa su’aal furan oo xambaarsan xikmad, murugo iyo xaqiiqo isku dhafan.
Riyada waa bilowga guusha, Qof aan wax ku riyoonin kama fikiro horumar, Riyo kastaa waxay kugu dhiirrigelisaa inaad naftaada wax ka beddesho, aad ka gudubto xadgudubka duruufta, kana fikirto meel sare oo aan hadda lagaa filayn, Waxayna ka timaadaa qalbi weyn, niyad wayn, iyo damac sare.
Haddii ay suurtogal noqon lahayd in riyadu si fudud loo rumayn karo, cidna ma rafaadeen, Ma jiri lahayn faqri, darxumo, shaqo la’aan, colaado, ama murugo nafsiyeed, Dunida waxay noqon lahayd meel uu qof walba ka xaqabtiri karo rabitaankiisa, iyada oo aan lala kulmin caqabado, dhabar-jab iyo dadaal badan.
Ha joojin riyadaada inta aad xaqiiq uga badalaysid, waxaad u baahantahay keliya dadaal, dulqaad iyo iimaan si aad uga dhigto mid la taaban karo, Sida loo riyoodo hadii loo rumayn karo dadaal la’aan iyo rafaad la’aan, cidba may rafaadeen.
Post Views: 95
Nagala Soo Xiriir
contact@xogbaahin.com