*Saamaynta Guul-Darrada Badan ku yeelato Caafimaadka Maskaxd*
*Guul-darradu waa qayb dabiici ah oo ka mid ah nolosha aadanaha, balse marka ay noqoto mid soo noqnoqota oo aan si caafimaad leh loo maarayn, waxay yeelan kartaa saamayn maskaxeed oo culus.
*Marka qofku si joogto ah ula kulmo guul-darro, waxaa hoos u dhici kara kalsoonida nafta, taasoo keenta in qofku naftiisa u arko mid aan awood lahayn ama qiimo yar. Tani waxay si toos ah u dhaawacdaa is-aragga shakhsiga (self-esteem).
Guul-darrada badan waxay sidoo kale kicisaa walbahaar joogto ah (chronic stress), maadaama maskaxdu si joogto ah ugu jirto xaalad cabsi iyo welwel ah. Haddii aan xaaladdan la xalin waxay isu beddeli kartaa niyad-jab (depression) ama welwel daran (anxiety disorders).
*Dhanka kale, qofka la kulma guul-darro badan wuxuu bilaabi karaa ka fogaansho bulsho, hoos u dhac ku yimaada dhiirigelinta, iyo inuu joojiyo isku-dayga fursado cusub. Tani waxay dhalin kartaa waxa cilmi-nafsigu ugu yeero
“Learned helplessness”taas oo ah — dareen ah in dadaalku uusan waxba beddeli karin.
*Si kastaba ha ahaatee, guul-darradu mar walba ma aha wax taban. Marka si wacyi leh loo fahmo, loona arko cashar nololeed, waxay kobcin kartaa adkaysiga maskaxda (mental resilience), barashada khaladaadka, iyo horumarinta awoodda go’aan-qaadasho ayay noqon kartaa,
*Gaba-gabo*
Guul-darrada badan waxay khatar ku tahay Caafimaadka Maskaxda haddii aan si sax ah loo maarayn. Hase yeeshee, fahamka, taageerada bulsho, iyo aragti togan waxay guul-darrada u rogi karaan il korriin iyo awood maskaxeed.
*Guul-darradu waxay qofka u noqon kartaa cashar ku riixa in uu guul gaaro waa tilaabo mararka qaar lagu hormariyo guul muuqata,
#brainhealth #motivationdaily #postresearch
#guulayso #braindevelopment #BrainBoosting