HomeENGILSH𝗤𝗶𝘀𝗮 𝗖𝘂𝘀𝘂𝗯 : 𝗗𝗮𝗻 𝗷𝗮𝗰𝗲𝘆𝗹 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗼𝗹𝗹𝗮𝗿𝗯𝗮 𝗳𝗮𝗿𝘅𝗮𝗱 𝗹𝗮𝗴𝘂𝗺𝗮 𝗵𝗲𝗹𝗼..... 𝗤𝗲𝘆𝗯𝘁𝗶𝗶 1𝗮𝗮𝗱

𝗤𝗶𝘀𝗮 𝗖𝘂𝘀𝘂𝗯 : 𝗗𝗮𝗻 𝗷𝗮𝗰𝗲𝘆𝗹 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗼𝗹𝗹𝗮𝗿𝗯𝗮 𝗳𝗮𝗿𝘅𝗮𝗱 𝗹𝗮𝗴𝘂𝗺𝗮 𝗵𝗲𝗹𝗼….. 𝗤𝗲𝘆𝗯𝘁𝗶𝗶 1𝗮𝗮𝗱

May be an illustration of one or more people and text
𝗤𝗶𝘀𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘄𝗮𝘅𝗲𝘆 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗱𝗮𝘆 𝘄𝗶𝗶𝗹 𝗮𝗮𝗻 𝗽𝗮𝗴𝗲-𝗸𝗮 𝗮𝘀𝘅𝗮𝗮𝗯 𝗸𝘂 𝗻𝗼𝗾𝗼𝗻𝗮𝘆 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗶𝗶𝗴𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗿𝗮𝗺𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶𝘆𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗱𝗸𝗮𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘄𝗮𝗮𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗶𝗶𝘀𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝘅𝗮𝗻𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗻𝗮𝗮 𝗶𝗻 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝗾𝗼𝗿𝗮𝗮𝗹𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗸𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗮𝗵 𝘄𝗮𝘅 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗯𝘂𝘂 𝗶𝗶𝗴𝘂 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗮𝘅𝗮𝘆……….
𝗤𝗶𝘀𝗮𝗱𝗮 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗰𝗲𝗲𝗱𝗮 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗻𝗼𝗼𝗴𝘂 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝗮𝘆 :
{𝗗𝗔𝗡 𝗝𝗔𝗖𝗘𝗬𝗟 𝗜𝗬𝗢 𝗗𝗢𝗟𝗟𝗔𝗥𝗕𝗔 𝗙𝗔𝗥𝗫𝗔𝗗 𝗟𝗔𝗚𝗨𝗠𝗔 𝗛𝗘𝗟𝗢……..🫵🤔🤷‍♂️
𝗪𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗾𝗶𝘀𝗮𝗱𝗮 𝗷𝗮𝗰𝗲𝘆𝗹 𝗸𝘂 𝗯𝗶𝗹𝗮𝗮𝗯𝗮𝘆 𝘀𝗶𝗱𝗮𝗮𝗻 :-
Qisadan jaceyl wiilka noo soo gudbiyay wuxuu ka mid yahayy asxaabta page-ka ku jirta wuxuu magaciisa noogu sheegay farxaan familkiisana waxeyy ka kooban yihiin isagga, hooyaddiisa, 6 wiilal iyo 3 gabdhood ayna kala aabe yihiin iyo wiil iyo gabadh isku aabe iyo isku hooyo yihiin aabihiis 2 sano ka hor buu geeriyooday
Farxaan familka aabihiis ee bahda kale ismaba jecleyn oo wey necbaayeen islamana xiriiri jirin blse farxaan hooyadiis nin kale ayaa guursaday si ay sadexdeeda wiilal farxaan ka midd yahay iyo gabadha u korsato markii ay maamada mar labaad ayay guursatayy noloshoodii wey qurux badnaatay sidaas ayay ku noolaayeen
Maamada farxaan hooyadiisa aheyd inkastooo duruufo badan iyo xaalado adag noloshooda ku soo mareen hadana hooyadu ilmaheeda si ay u koriso awood ayay u leedahay si walpoo xalada u adag tahay waxey ahaayeen family farxad ku nool inkastoona farxaan adeerkiisa shaqo nolol maalmeedkooda ku filan uusan ka shaqeyn
Hadana wuxuu u soo helo ayay si farxad leh ku wada cuni jireen farxaan iyo labada wiilal ee la dhashay iyo gabadha waxbarasho bey ku jireen farxaan jaamacad ayuu sanadkii ugu horeeyay ku jiray labada wiilal iyo gabadha school ayayy dhiganayeen form one, form tree, iyo form four, ayay kala dhiganayeen iyagana
Maamada waxaa jiray nin walaalkeeda ahaa oo dhaqaale fiican haystay ganacsade ahaa isaga caawin jiray waxey u baahan tahay noloshooda wax walpa u qaban jiray sidaa ayayna ku wada faraxsanaayeen familkas farxaan iyo walalihiis waxbarashada jaamacada iyo schoolka waxaa ka bixin jiray abtigooda hooyo la dhashay
Sababtoo ah adeeradii aabahooda la dhashayy markuu aabagood dhintay ayay gooyeen iyaga dhaqaalo ayay lahaayeenn oo ganacsiyaal ayaa u furnaa maalintii uu farxaan aabihiisa dhintay ayaa adeerada guriga ugu dambeysay dhibaato ayay uga dhex tageen lkn alle umaba baahinine noloshooda wey sii qurux badnaatay
Farxaan galab isagoo kubad u socda doonaya inuu soo ciyaaro wadada maraya ayuuna arkay gabadh gurigeeda horteeda fadhisa oo mobile isticmaaleysay si aad buu uga helay markii uu indhaha qac ku siiyay wuxuu ku fikiray kubada miyaad aadaa mise gabadhan qurxoon baad ku leexataa in badan ayuuna ka fikiraayay
Markii damba wuxuu si toosa u aaday gabadhii dhankeedii markuu u tagay ayuu salaamay blse salaantii kamaba qaadine indhaha ayay u kala gadisay candhuufna tuftay bey ka dhaqaaqday oo guriga ka gashay albaabkana ka soo xiratay farxaan wuu la yaabay gabadha dhaqamada ay kula dhaqmeyso isaga wuu isaga tagay
Habeenimadii markii uu guriga ku soo laabtay ayuu in badan ka fikirayay gabadhii sida qaab darada aheyd ula hadashay wuxuu balan adag ku qaatay inuu gabadha sidas uga hari doonin ilaa qalbigeeda jaceyl ku abuuro saaxiibkiisa ayuu arintii la wadaagay inuu gabadh jeclaaday blse si qaab daran ula dhaqantay iyada
𝗟𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗼 𝗤𝗲𝘆𝗯𝘁𝗶𝗶 2𝗮𝗮𝗱 𝗛𝗮𝗱𝘂𝘂 𝗔𝗹𝗹𝗲 𝗜𝗱𝗺𝗼
𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗵𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱 𝗾𝗶𝘀𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗲𝘆𝗴𝗮 𝗷𝗮𝗰𝗲𝘆𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗾𝗼𝗿𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗮𝗮𝗻 𝗽𝗮𝗴𝗲-𝗸𝗮 𝗸𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗴𝘂𝗱𝗯𝗶𝘆𝗼 𝗮𝗮𝗱 𝗸𝗮 𝗵𝗲𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗮𝗱𝗶𝗴𝗼𝗼𝗻𝗻𝗮 𝗺𝗮𝗵𝗮𝗱𝘀𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗿𝘄𝗮𝗹𝗽𝗮 𝗵𝗮 𝗶𝗴𝗮 𝗶𝗹𝗼𝗼𝗯𝗶𝗻 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗱 𝘀𝗶𝗶 𝗱𝗵𝗮𝗵𝗱𝗼…….🙏

✍️𝗕𝗼𝗾𝗼𝗿𝗸𝗮 𝗫𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗝𝗮𝗰𝗲𝘆𝗹𝗸𝗮

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments