Fariin Ma Gudbayaasha Shukansiga Ku Socoto…


May be an image of 2 people and people smiling

1-Qofka Rabta Inaad Guursato Dareensii Masuul Inaad Tahay, Qof Masuuliyad Qaadi Karo Inaad Tahay Tusi..
-Gabadhaha Badankood Ma Raadiyaan Qof Qurux Badan Ama Dhaqaale Haysato Waxeey Raadiyaan Qof Masuul Ah..
2-Sheeg Hadafkaaga Nolasha, Noqo Qof Himilo Sare Leh, 5-10 Sanno Ee Socoto Waxaad Isku Diyaarisay Inaad Qabato Lamaanaha u Soo Bandhig una Sheeg..
-u Sheeg Qoftaasa Inaad Yool Nolaleed Leedahay, Shaqo, Qorshe Wanaagsan Mustaqbalka Dhaw Iyo Inaad Rabto Dhisida Guri Dagan oo Qurux Badan..
3-Ixtiraam Iyo Jaceyl Dhab Ah Halaga Arko, Gabadhaha Badankood Waxeey Guurka uga Baqaan Armaa Lagu Dayacaa Armaa Dhib La Kulantaa, Iyo Waxyaaba La Mid Ah, Sidaa Darteed Qoftada Tusi Inaadan Waligaa Dayici Doonin oo Garab u Ahaan Doontid.
4-Caddee Inaad Diyaar u Tahay Guur, Iyo Shukansi Dhab Ah, Ha Noqon Ma Gudbe Asc Wcs un Taagan Maalin Kastaa.
-Qoftada Tusi In Xariirka Dhab Kaa Yahay, Waqti Dheeri Ah Gali, La Sheekayso, Maalintada uga Waran Mararka Qaar Haddan Sheeko Hayn Sheekooyin Mala Awaal Ah oo Qosol Iyo Kaftan Badan ugu Sheekeey..

Qofna Waqtigiisa Iyo Qalbigiisa Haku Ciyaarin Si Aan Adiga Waqtigaaga Iyo Qalbigaga Looga Ciyaarin..

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..