๐ค๐ผ๐ณ๐ป๐ฎ ๐ธ๐๐๐ด๐๐บ๐ฎ ๐ถ๐บ๐ฎ๐ฎ๐ป๐ฎ๐๐ผ ๐๐ถ ๐๐ ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ด๐ฎ ๐ธ๐๐ ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐๐ผ………………๐โโ๏ธ
๐บ Qofna gacantaada ma qabanayo si uu kaa soo saaro mugdiga, qofna masuul kama noqonayo fowdada noloshaada, qofna ma badalaayo noloshaada adiga………………..
๐บ Way adagtahay weedhani, balse gudaha ayey ku siddaa hadiyadda ugu weyn ee noloshu qof siin karto xorriyadda, bilowga garashada: markaad fahanto in adiga masuul ka tahay Naftaada……………………
๐บ Dad badan ayaa nolol dhan ku qaata iyagoo sugaaya โqofka inuu badbaadiyo, wuxuu sugaa jacayl si uu dareemo nabad, shaqo si uu u bilaabo nolol, fursad qumman si uu u qaado tallaabada koowaad, amaan dadka kale si uu u garto qiimihiisa……………………..
๐บ Laakiin runta adag waxay tahay,sugitaanka waa qaab jilicsan oo isdhiibid ah, qofku xor ma aha ilaa uu fahmo in cidina wax kuuma laha, masiirkaagana gacantaada ku jiro.
๐บ Noloshu ma shaqeyso sida sheeko filim ah โ qof albaabkaaga soogaraacaya si uu kuu badbaadiyo noloshu kaliya qalab bay ku siisaa, natiijo ma siiso…………….
๐บ Adigaa u baahan inaad qalabkaas u adeegsato si aad jihadda u dhisato, xitaa haddii tallaabooyinku ay marka hore liitaan, ugu dambayntiise waa adiga qofka jihadda nolosha leh……………….
๐บ Waxa ugu khatarsan ma aha guuldarro, ee waa in aad ku dhegto doorka dhibbane, markaad tiraahdo: โAnigu ma ihi sababta, duruufaha ayaa ah,โ waxaad si tartiib ah u dili rabtaa rabitaanka isbeddelka……………….
๐บ Markaad garato in xitaa qayb yar adiga aad ka qaadatay dhibkaaga, waxaad qaaday tallaabada koowaad ee xorriyadda dhabta ah.
Laakiin geesiga dhabta ah waa adiga markaad aragto naftaada sidaas.
๐บ Marka isbeddelka gudaha ahi bilaabmo, suโaalaha ayaa is beddela, halkii aad dhihi lahayd Sideen naftayda u daryeelaa………?โ
๐บ Halkii aad dhihi lahayd โGoormay dunidu is beddeli doontaa?โ, waxaad dhahdaa โSideen u beddeli karaa adduunka aan ku noolahay……?โ
๐บ Markas ayaad dib ugu laabanaysaa xarunta awooddaada dhabta ah, runta xanuunka leh ee iftiimisa jidka weedhโQofna kuguma imaanayo si uu kuu badbaadiyoโ way adagtahayโ laakiin waa bilowga bisaylka dhabta ah……………
๐บ Markaad fahanto in adiga masuul ka tahay farxaddaada ma siin doontid cid kale, markaad fahanto in qiimahaagu aan ku xirnayn fikradaha dadka kale ma gariiri doontid marka ay is beddelaan…………..
๐บ Daraasad Jaamacadda “๐ฆ๐๐ฎ๐ป๐ฑ๐ณ๐ผ๐ฟ๐ฑ” ka samaysay ayaa sheegtay, dadka noloshooda masuul ka ah xitaa marka xaaladu adagtahay, waxay leeyihiin heer farxad oo 40% ka sarreeya kuwa ku eeda xaalada………………..
๐บ Sirta ma aha in aad guuleysato marar badan, ee waa in aad dareento awood gudaha ah, marka aad doorato kacitaanka qofna jidkaaga ma yaqaanno sida adiga aad u taqaano……………….
๐บ Ciladda dadka qaar waa inay sugaan cid kale oo u tilmaanto jidkooda, laakiin qofna noloshaada si dhab ah uguma noolaan karo sida adiga……………..
๐บ Goโaamada noloshaada haddii ay cid kale kuu qaadato, waxaad luminaysaa naftaada.
Nolosha noocaas ahi waa nolol la soo amaahday……………….
๐บ Qaado talada noloshaada xitaa haddii aad shaki qabto, shaki adigoo soconaya waa ka fiican yahay kalsooni adigoo istaagay
Tallaabooyin ficil ah oo aad ku bilaabi karto…. ;
1- Qaado masuuliyadda dhammaan noloshaada, xitaa wixii aadan sabab u ahayn, ma aha maxaa yeelay waa dambigaaga, ee waa maxaa yeelay adigaa keliya wax beddeli kara……………
2- Jooji cabashada, daqiiqad kasta oo aad ku cabato waa daqiiqad aad dib u dhigayso isbeddelka……………
3- Bilaaw talaabo yar, nadiifi qol, qoro hadaf maalinle……………..
4- Wajah cabsidaada halkii aad ka carari lahayd……………….
5- Ku hareeree naftaada dad ku xasuusiya awooddaada, ma aha tabartaada laโaanta.
6.Ku celi maalin kasta…………….
๐บ Qofna ima imaanayo si uu ii badbaadiyo, anigaa ahaa qofka aan raadinayay, ugu dambeyntii, qofna furayaasha noloshaada gacanta kuma hayo adiga mooyee…………..
๐บ Dadku way ku taageeri karaan, way ku jeclaan karaan, balse cidna ma noolaan karto adiga halkii……………..
๐บ Taasi ma aha murugo, waa mucjiso maxaa yeelay waxay muujinaysaa inaad tahay
qoraa, jilaa, iyo halyeeyga sheekadaada………..
๐บ Waad dhici kartaa, waad ooyi kartaa, laakiin inta aad soo kacayso sheekadu wali way socotaa, tnta aad socoto, waxaa jira rajo, waxaa jira adiga oo cusub oo xoog badan oo kaa sugaya dhinaca kale ee xanuunka………….
๐ซ๐๐๐๐๐๐ป๐ผ๐ผ๐…………….๐ซต
๐บ Qofna kuguma imaanayo si uu kuu badbaadiyo waayo adigaa ah badbaadiyaha aad sugeysay Noloshaada, markaad fahanto taas, waxaad xorowdaa, wax kastaana halkas ayey ka bilaabmaan……………………
๐๐พ๐ฟ๐ถ๐๐๐ฒ ๐ป๐ผ๐น๐ผ๐๐ต๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ด๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐ฏ๐ฎ๐ฑ-๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐๐ฎ๐ป ๐ธ๐ฎ๐ฟ๐ฎ ๐ต๐ฎ ๐๐๐ด๐ถ๐ป ๐ถ๐ป ๐๐ ๐พ๐ผ๐ณ ๐ธ๐๐ ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐๐ผ ๐ธ๐ฎ๐น๐ฒ ๐ธ๐๐ ๐๐ถ๐บ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ผ ๐ธ๐๐๐ป๐ฎ ๐ฏ๐ฎ๐ฑ-๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐๐ผ ๐ต๐ฎ๐น ๐ด๐ผ’๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ผ๐ผ ๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐๐ผ ๐ฏ๐ฎ๐ฎ ๐ป๐ผ๐น๐ผ๐๐ต๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฏ๐ฎ๐ฑ-๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ป ๐ธ๐ฎ๐ฟ๐ผ ๐๐ฎ๐น๐ถ๐ด๐ฎ๐ฎ ๐ท๐ถ๐ฟ๐ท๐ถ๐ฟ๐ผ๐ผ๐น๐ฒ ๐ธ๐ผ๐น๐ฏ๐ฎ ๐บ๐ถ๐ฑ๐ฎ๐ฏ ๐ด๐ผ๐ผ๐ป๐ถ๐๐ฎ ๐น๐ฒ๐ต ๐ผ๐ผ ๐ธ๐ฎ๐น๐ฒ ๐ต๐ฎ ๐ถ๐๐ธ๐ ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐น๐ถ๐ป……………..๐ซต๐ฅน๐
โ๏ธ๐๐ผ๐พ๐ผ๐ฟ๐ธ๐ฎ ๐ซ๐ฎ๐น๐ถ๐๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ฎ๐ฐ๐ฒ๐๐น๐ธ๐ฎ