*Caajiska Badan iyo Saameynta uu ku Leeyahay Caafimaadka Maskaxda*


*Caajiska Badan iyo Saameynta uu ku Leeyahay Caafimaadka Maskaxda*

 

*Caajiska badan (chronic laziness) ma aha oo kaliya dabeecad la xiriirta shaqo la’aanta ama firfircooni yaraanta, balse waa arrin si qoto dheer ula xiriirta caafimaadka maskaxda.

 

*Daraasado cilmiyeed ayaa muujinaya in caajisku mararka qaar noqon karo calaamad muujinaysa dhibaatooyin maskaxeed oo hoose ama natiijo ka dhalata xaalado nafsiyeed oo adag.

 

*Xiriirka Ka Dhexeeya Caajiska iyo Caafimaadka Maskaxda,

Caajiska joogtada ah waxa uu si toos ah ula xiriiro hoos u dhac ku yimaadda dhiirrigelinta (motivation), feejignaanta maskaxda, iyo kalsoonida qofka. Dadka la kulma walbahaar, niyad-jab (depression), ama welwel badan (anxiety) waxay inta badan muujiyaan caajis muuqda, sababtoo ah maskaxdoodu ma laha awood ku filan oo ay ku maarayso hawlaha nolol maalmeedka.

 

*Saameynta-caajiska xad-dhaafka ah wuxuu keenaa:

-Hoos u dhac ku yimaadda wax-soo-saarka maskaxda

-Kordhinta dareenka niyad-jabka iyo go’doonka

-Luminta ujeeddooyon nololeed iyo yididiilo

-Dhibaato ku timaadda isku-kalsoonaanta iyo go’aan qaadashada.

Arrimahan oo is biirsada waxay halis gelin karaan caafimaadka maskaxda, gaar ahaan dhalinyarada iyo dadka ku jira marxalado nololeed oo adag.

 

*Aragti Cilmiyeed

Cilmi-nafsigu waxa uu caddeynayaa in caajisku mararka qaar yahay “calaamad,” halkii uu ka ahaan lahaa “dhibka laftiisa.” Taas macnaheedu waa in la fahmo sababta ka dambeysa caajiska, sida cadaadis nololeed, hurdo la’aan, nafaqo xumo, ama dhibaatooyin nafsiyeed oo aan la daaweyn.

 

*Gaba-gabo*

Si guud, caajiska badan waa arrin u baahan faham qoto dheer iyo wacyigelin bulsho. Ma aha in si fudud loogu tilmaamo daciifnimo ama masuuliyad-darro, balse waa in loo arkaa arrin caafimaad maskaxeed oo u baahan taageero, faham, iyo xal waara. Kobcinta caafimaadka maskaxda waxay gacan weyn ka geysan kartaa yareynta caajiska iyo dhisidda bulsho firfircoon oo caafimaad qabta.

 

#PublicHealthAwareness #caajiskabadan

#publichealthcare #braindevelopment

 

#fadlanlawadaag

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *