
Xafso ayaa ku tiri gacaliye marwalpa adigaana ku dooran doonaa midaas ogoow sababtoo ah nolosheyda ayaad tahay kaamana maarmi karo hada waxaa jirtaa arin taasoo ah inuu aabahey ku fikirayo nin lacag leh oo qaraabada inuu igu daro anigana guriga inaan ka baxsado ayaanba ku fikirayaa inkastoo meel aan aado aqoon
Farxaan ayaa ugu jawaabay sidaas haku fikirin naga dhaaf mcney aabaha waxba ma sameyn karo marba intuu go’aankaagu adag yahay aad aniga ila jirto isbuucan dhamaadkiisaa ku soo doonanaa bal aabaha ha isku keen diido waan arki doonaa go’aan adagna hadii aan qaadano cid dhexdeena soo gali karto ma jirto
Xafso ayaa hadalada gacaliyaheeda farxaan ku faraxday waxey ku tiri gacaliye run ii sheeg hee isbuucan dhamaadkiisa maad i soo doonanee anigana waan ku sugayaa aabe go,aankuu rabo ha qaato anagana go’aankeena ayaan qaadan doonaa waayo qof walpa noloshiisa xor buu u yahay ee cid cid kale gumeysi ugu jirta ma laha
Mudadii isbuuca ahaana markii uu dhamaaday ayuu farxaan iyo familkiisii wada socda xafso familkeedii ka soo doonteen blse odaygii ayaa familkii si qurux badan u soo dhaweeyay sidaa ay tahay markey arintii ay u yimaadeen ka soo hadleen ayuu odaygii ugu jawaabay gabadhan nin kale ayaan siiyay idiinma sheegin miyaa
Maamadii ayaana hadalkii qaadatay oo ku tiri gabadhu lama qasbayo waa qaangaar nolosha xaq bey uga leedahay iney xoriyadeeda hesho sidaa darteed gabadha haloo yeero ogolaansho iyo diidmo iyada ayaa iska leh odaygii hadalka maamada wuu ka xanaaqay gabadhii ayaa loo yeeray blse ninkan toos ayay u diiday
Aabaheed ayaa markas ku yiri gabadheydiiyey ninkan aniga kula jeclaaday miyaad diiday see wax u jiraan ii sheeg, xafso ayaa ugu jawaabtay aabe qofka guursanaya oo ninka qolka la galaa ilmana u dhalayo oo la dhaqmayo adiga maaha waa aniga sidaa darteed ninkan aniga doorto kaliya ayaan la dhaqmi karaa nin kale maya
Arintu markey sidaa aheyd baa farxaan aabihiis ayaa odaygii ku yiri hadii aadan dooneyn inaan xidid noqono oo ilmaheena isku darsano waan iska laabaneynaa gabadhiina inkastoo idinkaga diideyso ninkad u keentay lkn wiilkena ay rabto inaad siisaan oo u ogolaataan ayaa sharaf noo aheyd blse hada waan iska baxeynaa
Blse maamadii xafso dhashay ayaa celisay oo ku tiri wax yar noo suga aniga iyo xaajiga ayaa si gaar ah u wada hadleyna daqiiqado yar hana daahsanina markii ay si gponi u baxeen ayayna maamadii ku tiri xaaji cid lala xididi karo cidii ugu wanaagsaneyd waaye adiga gabdho kale ayaa kuu jooga ninka gabadh kale siiso
Blse familkan gabadheena xafso ah xitaa wey ku faraxsan tahay guurkana waa qanacsanaan iyo isfaham labada qof hadeysan dhexdoodaba oolin isfaham ogoow guurkas ma sii jiri doono marka familkan sida sharafta leh gabadheena nooga soo doontay gacma marnaan iney dib nooga laabtaan ceeb weyn nagu tahay
Odaygii markii dambe wuu ogolaaday inuu dib ugu ogolaado gabadhiisa inuu siiso familkaan ka soo doontay lamaanihii mudo badan jaceyl wadaaga ahaa waaya badan iyo waqtiyo aanan yareyn xiriirkooda jaceyl ku soo wada qaatayy ugu dambeyn wey ku guuleysteen iney wadajir ku midoobaan oo is guursadaan
{ 𝗗 𝗛 𝗔 𝗠 𝗔 𝗔 𝗗 }
𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗾𝗶𝘀𝗮𝗱𝗲𝗲𝗻𝗶𝗶 𝗷𝗮𝗰𝗲𝘆𝗹 𝗺𝗮𝗮𝗹𝗺𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗻𝗼𝗼 𝘀𝗼𝗼 𝘀𝗼𝗰𝗼𝘁𝗮𝘆 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝘀 𝗮𝘆𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗺𝗮𝗮𝘁𝗮𝘆 𝗾𝗼𝗳 𝘄𝗮𝗹𝗽𝗮 𝗰𝗮𝘀𝗵𝗮𝗿 𝗻𝗼𝗼𝗰𝗲𝗲 𝗮𝘆𝘂𝘂 𝗸𝗮 𝗯𝗮𝗿𝘁𝗮𝘆 𝗱𝗶𝗯 𝘄𝗮𝗮 𝗻𝗼𝗼𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗱𝗮𝗮𝗴𝗶 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮 𝗶𝘀𝗮𝗴𝗼𝗼𝗻𝗮 𝗳𝗶𝗸𝗿𝗮𝗱𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯𝘁𝗮 𝗵𝗼𝗼𝘀𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆𝗮


