Qiyaasta caqligu waa awoodda isbeddelka.” – Albert Einstein


Isbaddalku waxaa uu ka bilaabmaa garaadka. Caqliga dhabta ahi maaha aqoon keliya ee waa laqabsi. Awoodda lagu qaato fikrado cusub, wax ka barato waayo-aragnimada, iyo kobcinta ka jawaabista caqabadaha waxay qeexdaa in qofku caqli badan yahay.

Adiga oo raba inaad isbaddasho, oo habeen iyo maalin ku fikiraaya inaad ka baxdo xaallada aad ku jirto; adiga oo aan ku qanacsanayn halka aad taagan tahay oo xanuun aad ka dareemayso gudahaaga, sababtuna ay tahay, garashada aad garanaysid halka aad taagan tahay in ayna ahayn meel kuu qalanta, haddana aad awood u yeelan waydo inaad isbaddasho, waxba kuuma tarayo caqligaagu!

Isbaddalku waa wax adag, naftuna ma jecla badi.

Kuwa awoodda u leh inay isbaddal dhab ah sameeyaan, ayaa ah kuwo garashaddu biyadhigtay.

Einstein wuxuu ku nuuxnuuxsaday in kuwa is-beddelka diida ay sii fadhiyaan, oo halkoodaa taagnaadaan halka kuwa waxgaradku ay koraan oo ay sii koraan oo ay gaadhaan heersare.

Haddaba, caqlibadnaanta waxaa lagu qiyaasaa in ay tahay, awoodda loo leeyahay isbaddalka. Sidaas awgeed, waa inaad isbaddal samaysaa. Waa inaad awood u leedahay inaad isbaddal iyo horumar samayso.

Qofku inuu meel keliya taagnaado oo isbaddali waayo oo lahaan waayo hansare, waa maangaabni.

Noloshu waa isbaddal.

Nagala Soo Xiriir

contact@xogbaahin.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

DHACDOOYIN
SII AKHRISO..