Banaanaha waxaa jiifa dad badan oo tamanninaya guriga iyo Sariirta iyo furaashka aad Haysatid !
Aragga iyo maqalka iyo laxaadka aad haysatid dad badan ayaa tamanninaya oo aan haysanin maanta !
Waqtiga iyo firaaqa aad haysatid waxaa jira dad badan oo tamanninaya in ay dib u helaan firaaqaas !
Qabriyada waxaa ka buuxa kumannaan maydad ah oo tamanninaya nolosha aad maanta haysatid !


