
Farxaan ayaa ugu jawaabay waxaan si aad ah ugu faraxsanahay marba hadaan ku hantiyayy adiga waayo farxad weyn ayay ii tahay waana ku ilaashan doonaa adigana dhankaga nooga ilaali jaceylkeena cusub guul mooyee guuldaro inaad nooga ilaaliso ayaan kaa rabaa amaano dushaada saaran waaye xusuusnoow
Xafso ayaa ku tiri gacaliye taas aniga igu halee adiga uun sida ninkii hore marna ha igu noqon qiyaanada iga ilaali waxaana u hamuun qabaa inaan adiga guul kula gaaro guuldarada qaraar walpa ay leedahay waan soo dhadhamiyay ee guusha macaankeeda inaan dhadhamiyo ayaa rabaa adigaan garab weyn igu siin kara
Waxaanba doonayaa qalbigeyga inuu ahaado mid waqti walpa faraxsan jaceylkaaga cusub ayaana fikradan ragga ka haystay iga badalay hadana hooyo ii yeereysa numberkaaga ii qor anigana numberkeyga waa midkas dib baana ka soo wada xiriiri doonaa waqti walpa guusha inaan wadajir u gaarno ayaan rajeynayaa
Farxaan iyo saaxiibkiisa lamaanayal jaceyl ayay heleen laba wiil oo saaxiibo ah ayaa waxey kala jeclaadeen laba gabdhood oo saaxibo wada ah sidaas ayayna isku macsalaameeyeen kubadii ayay aadeen iyagoo si wadajir ah u wada farxay qalbiyadoodana wehel iyo garaba wada helayy waqti walpana wey la wada xiriiri jireen
Lamaanayasha jaceyl wadaaga ah wax walpa si wadajir ah ayay u wadaagi jireen waqtiyo aad u qurux badan ayayna iala qaadan jireen marna kalama mashquuli jirin oo waxey isku ahaayeen lamaanayaal noloshooda isugu faraxsanaa oo ku balamay iney guusha si wadajira u gaaraan iyagoona gacmahooda is haysta
Farxaan wuxuu si aada ugu faraxsanaa marba haduu lamaane helay waayo nolosha kelinimo ayuu ku wajahi jiray in badana dhaawacyo iyo xanuuno nolosha wuu ku soo maray isagoona waqtigan ka gudbay xaaladihii aadka adkaa iyo waayihii xanuunka badnaa ee noloshiisa ku soo maray blse ugu dambeyn lamaane ayuu helay
Xafso si aan xad laheyn bey farxaan u jeclaatay heer waxey gaartay daqiiqadba daqiiqada ka sii dambeysa aysan ka maarmi karin jaceylkeedaa maalin baa iyadoo albaabka gurigeeda fadhisa waxaa soo maray farxaan oo lamaantiisa u soo xiisay blse wuxuu la kulmay arin uusan filaneyn taasoo ah xafso oo nin kale la jooga
Farxaan markiiba wuu u yimid wuxuuna ku yiri gacaliso ninkan kula jooga yuu ahaaa ii sheeg ma walalka baa mise nin kale anigana adigan kuu soo soo xiisay oo dib kuu soo raadiyay ee ninkan miyaad igu qiyaameysay misana adiga walalka waaye runta waa lama huraan jaceylka daacadnimo ayuu u baahan yahay
Xafso waxey ugu jawaabtay wiilkan xaafadena ila dagan yahay waxbana nagama dhaxeeyaan ee si caadi ah ayuu iigu yimid wiilkii kale ayaa ku yiri maxaad beenta u sheegeysaa wllo aniga in mudo ku jeclaa walipa dareenkeyga wan kuu sheegtayy inkastoo wax jawaab ah kaa heynin xaqiiqada ka hadal aniga lacag ayaan haystaa
Ninkii oo hadalkiisa sii wata ayaa ku yiri adiga jaceyl qaleel ah aan waxba kuu tareyn hadaad dooraneyso koley fursad muhiim noloshaadda u ah ayaad iska dayaceysaa ee waxaanba ku leeyahay ka faa’ideyso go’aankaaga adigaa iska leh midkaad doonto raac aniga jawaabtaada ii muhiim ah aniga iyo ninkan mid dooro…..
𝗟𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗼 𝗤𝗲𝘆𝗯𝘁𝗶𝗶 4𝗮𝗮𝗱 𝗛𝗮𝗱𝘂𝘂 𝗔𝗹𝗹𝗲 𝗜𝗱𝗺𝗼
𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝘅𝗮𝗳𝘀𝗼 𝗺𝗮 𝗷𝗮𝗰𝗲𝘆𝗹𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗯𝘁𝗮 𝗲𝗲 𝗳𝗮𝗿𝘅𝗮𝗮𝗻 𝗺𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮𝗮 𝗺𝗶𝘀𝗲 𝗻𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗹𝗮𝗰𝗮𝗴𝘁𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗮𝘆𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝗱𝗼𝗼𝗿𝗮𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮𝗮𝗮 𝗳𝗶𝗸𝗿𝗮𝗱𝗮𝗮𝗱𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯𝘁𝗮 𝗰𝗼𝗺𝗲𝗻𝘁𝗶𝗴𝗮 𝗸𝗮𝗴𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗵𝗮𝗱𝗮𝗹 𝗷𝗮𝘄𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗮𝗱𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗻𝗼𝗼 𝗺𝘂𝗵𝗶𝗶𝗺 𝗮𝗱𝗶𝗴𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗵𝗮𝗱𝘀𝗮𝗻…………..



